•Abaal nin Galaa badan nin Gudaa se Yar .

0
Sunday July 14, 2024 - 15:30:21 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    •Abaal nin Galaa badan nin Gudaa se Yar .

    Sidaaas ayaana ku dhaliyay Goalkii guusha .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaaas ayaana ku dhaliyay Goalkii guusha .



•Cristiano Ronaldo ayaa la waydiiyay yaad ugu mahadcelineysaa Heerka iyo guusha aad ka gaartay kubadda cagta .

Wuxuu ku jawaabay saxiibkeyga Albert Fantrau oo sabab u ahaa Guusha aan Gaaray iyo qofka maantay aan ahay .


•Aniga iyo saxiibkey waxaa ka wada Tirsaneen Hal koox , Galab anaga oo ciyaar leh kulanka hor Waxaa na Soo booqday Guddi ka socda Akadheemiyad koox

waxay inoo sheegeen in qofkii goal badan dhaliya kulanka galabta ay qaadan doonaan .
•Cr 7 wuxuu yiri Maalintaasi ( 3-0) ayaan ku badinay ,

Goalka 1aad aniga ayaa dhaliyay, Kii 2aad saxiibkeyga Albert ayaa dhaliyay ,
Lakin Goal ka 3aad ayaa ah kan ay qisada sheekadaan ku jirto .

•Ronaldo wuxuu yidhi saxiibkey Alberto asaga oo dhalin Kara Goal ka 3aad una Soo gooyay Gool Hayaha (goal keeper) ayuu ii baasay Si aan u dhaliyo Goal ka 3aad sidoo kalane ugu guuleysto ku biirista Akadheemiyadda Kooxda.

Sidaaas ayaana ku dhaliyay Goalkii guusha .

Ronaldo ayaa waydiiyay ciyaarta markay Soo dhamaatay saxiibkiis Albert Sababta Asaga oo dhalin Kara Goal ka uusan udhalin .

•Alberto wuxuu ku jawaabay saxib adiga ayaa iiga fiican kubadda cagta sidaa darteed ayaan udoortay in aad adigu ku biirto akadheemiyadda.

•Sanado ka dib wariye ayaa booqday Alberto waxa uuna waydiiyay qisadaan !
Wuxuu ku jawaabay waa sax oo qisadaa way jirtaa mustaqbalkeyga kubadda cagta malintaa ayaa iigu dambeysay ilaa hadana wax shaqo ah mahayo oo waxan ahay shaqo la,aan.

•Wariyihii ayaa waydiiyay sidee macquul ku tahay adiga oo shaqo la,aan ah in aad ku nooshahay gurigaan quruxda badan misane weyn,sidoo kale ku raaxeysanaaya garigaan qaaliga ah oo sidii boqorada unool.
•Albert ayaa ku jawaabay Ronaldo ayaa ku mahadsan oo ilaa maantay iga warqabo abaalka aan ugalay aawgii.
*Hadaba Aqriste saxiibadaa maku jiraan Albert Fantrau oo Kale .??

Adigase sidii Albert oo kale ma sameyn laheyd oo saxiibkaa oo aad ogtahay in uu Kaa wanaagsan yahay misane ubaahi qabo caawin Fursadaa masiin laheyd.

Mahadsanidiin.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...