Colaadan Iyo Dagaalada,Casharadaadi Shaly Dhugo.

0
Sunday July 14, 2024 - 09:32:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Colaadan Iyo Dagaalada,Casharadaadi Shaly Dhugo.

    Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]




Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

Calool Adaygu Waa Wehel,Cududiyo Hub Culuso,

Cabsida Kaa Xoreeyoo,Cadawga Lagu Xanuunsha,



Calaacal Iyo Cabashana,Caadadeena Ma Ahaynoo,

Ceebi Inagu Timaadana,Caawana Hayga Filanina,


Calooshiisa La Ciyaaran,Cadaw Iyo Rag Soo Arag,

Cibaarada Aduunyadan,Cirmaaxyadaw Hanjebayo,


Cagaha Dhigo La Leeyahay,Caaway Kow Inoo Tahay,

Canfareey Ogsoonow,DhaaxaanCelcelinaynayon,


Cagaha Dhigo Lahaynon,Caalamku U Degayeenoon,

Caal Nalooga Waayaye,Caadil Wuxu Ka Qaybshaba,


Cabsi U Qaaday Nacaskuye,Cagta Inaanu Marinoon,

Casharo Fiican Loo Dhigay,Ciidamadu Na Farayaan.



Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...