Dr. Bayle Ma Noqon Karaa Murashaxa Ururka Hilaac

0
Sunday July 14, 2024 - 07:39:11 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Bayle Ma Noqon Karaa Murashaxa Ururka Hilaac

    Labo usbuuc ka hor, markii Gollaha Wakiilladu ansixinayey ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo usbuuc ka hor, markii Gollaha Wakiilladu ansixinayey ..
May be an image of 2 people



Hebel waa "Opportunist" ma maqli jirtay. Durtaba Xogaha qaar baa sheegaya in Dr. Bayle iyo Abiib Xaamud Jibriil oo ahaa gacanta midig ee Prof. Samatar ay ku tartamayaan booskii Urur Siyaasadeedka Hillaac ee uu baneeyey Prof. Samatar.

Abiib Xaamud Jibriil wuxu hore u ahaan jiray Gudoomiyihii Gollaha Fulinta ee Xisbiga Kulmiye — markii Muuse Musharaxa Madaxweynaha loo dooranayey 2015 —, wuxuna hormood ka ahaa ragii ka shaqeeyey in Prof. Samatar yimaado Somaliland, dabadeedna uu ku biiro Xisbiga Kulmiye 2016.

Labo usbuuc ka hor, markii Gollaha Wakiilladu ansixinayey miisaanyaddii madaxweynuhu ku soo celiyey Gollaha Wakiillada, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gollaha, Cali Xaamud Jibriil oo ah walaalka ka yar Abiib Xaamud Jibriil wuxu u codeeyey in miisaaniyadda lagu ansixiyo siduu madaxweynuhu rabay, isagoo ka soo horjeestay $3.8 milyankii loogu daray qoondada mashaariicda horumarka ee Gobalka Awdal, taasi oo biniixinaysa u dhawaanshaha Cali Xaamud ee Kulmiye, waloow uu hore uga cawday in madaxtooyada laga celiyey, gudoomiyena uu u ahaa isbahaysiga aqbliyada ee Gollaha Wakiillada ee mucaaradku ku mideysnaa, inkastoo markii la ansixinayey miisaanyidda ay ka muuqata in aanay isku xidhnaantoodu u adkeyn sidii ay kalafadhifii afaraad ahaayeen.

Dhinaca kale, Dr. Bayle oo qorshihiisu ahaa inuu May 29, 2025 u tartamo Madaxweynaha Afrikan Development Bank, ayaa hadana waxa isweydiin mudan, miyey saameyn isku yeelan doonaan ka qeyb qaadashadiisa siyaasadda Somaliland iyo inuu ka mid noqdo tartamayaasha Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, kaliya waa hadii ay dhab noqoto inuu ka qeyb qaadanayo siyaasadda Somaliland.
Si kasteba ha ahaatee bal aynu sugno wareysiga Dr. Bayle oo dhameystiran, beri 14:00 EAT
Abdirahman Mohamed Ibrahim
Loading...
Loading...