Maansada Gundhigii Snm

0
Saturday July 13, 2024 - 14:36:21 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada Gundhigii Snm

    Galabtuu kacaan-baaslihii goostay talaboobka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Galabtuu kacaan-baaslihii goostay talaboobka



Maansadan magaceedu yahay; 'GUNDHIGII SNM’, waa maanso miisaan culus oo uu Abwaan Cali Haybe Cige kaga warramaayo xasuuqii baahsanaa ee uu Kacaankii Siyaad Barre hoggaaminaayey u gaystay bulshada reer Somaliland, iyo sidii halyeeyadii SNM naftooda ugu soo hurreen dib u xorreyntii dalka iyo sidii ay dhibaatadii iyo tacadigii bulshadooda haystay uga dulqaadi lahaayeen. Sidoo kale waxa uu abwaanku bulshada ugaga warramayaa qiimaha isku-duubnida iyo wadajirkoodu leeyahay, waxaanay erayada maansadu u dhigan yihiin sidan:-



 

 

1. Gudh-balayn haddaan gocasha dheer gabay ku faaloodo

 

2. Guryaheena Somaliland nabadda oo gaadhan


 

3. Galabtuu kacaan-baaslihii goostay talaboobka

 

4. Gadoodkii bilaabmiyo collaad guuna baa timi


 

5. Kolkii layna galay, layna gubay giririmtii yeedhay

 

6. Gurmadkii ka kacay baynu nahay gabagabayntiiye


 

7.Galaa-weerarkeenii un-kamay gun iyo baareedka

 

8. Gar baynu u lahayn duulka iyo geedi-socodkiiye


 

9. Gundhigii SNM lagu un-kiyo diintii lagu guuray

 

10. Gibishii la xidhay heeryadii caynka lagu giijay


 

11. Geeri iyo nolol bay ahayd midaynu gaadhnaaye

 

12. Guusheeni waa taan hantinay guda-galkii MAY


 

13. Raggii lagu goblamay wiilashiigalay xabaashooda

 

14. Godka hawlyaraan ugu ma dhicin gacalayaashiiye


 

15. Gobannimadii waa taa shacbigu midha ka goosteen

 

16. Waa lays gilgilay lays gun-dhabay, laysna gawracaye


 

17. Kala guure laba dawladnimo guulay berigiiye

 

18. Gaar noqotay SOMAALILAND, guule soo celiye


 

19. Gunta calanka loo joojiyee gililiclaynaaya

 

20. Waa gool ISLAAMKA u dhashoon dib u gadoomayn


 

21. Ninkastoo ka guban iyo ciddii gooya ku hadaaqda

 

22. Gidaar adag rabaa kaga gubay gaala-xulafood


 

23. Gabgabida u soo dhuumatiyo geed is-mariskeena

 

24. Gol daleena maahee tiskiyo oodu waa gibin


 

25. Galkaa seefta looga la baxay, gaadh dablaa jira

 

26. Gidigoodba beelaha degaan, maamka gudihiisa


 

27. Gobnanimada waw siman yihiin doorashada guude

 

28. Nin gayaaba wuu guursadaa, geenyo shaaximan


 

29. Gadhoodkii dastuurkiyo sunaha laysla goobaa

 

30. In cadaalad loo sii gud-baa gaatif loo yahaye


 

31. Kolba waa ninkii loo galbiyay wuxuu ka goostaa

 

32. Bidaarada burburay daarahaa ruufka laga goostay


 

33. Gabagaba fadhiisiga darbiga laydha gabayooxa

 

34. Guryeheenii oon dib u dhisnoo guudka ka dhayno


 

35. Guulaana sahanoo nabsiga soo gadaal celin

 

36. Gasiinkeena eebbaa hayee gaajo haw baqan


 

37. Tawxiidka noo gooniga ah giijiyoo dhidib

 

38. Galad weeye diinteena wacan gaaxsa oo dhaqo


 

39. Saligaad ka soo gaadhay weli nebi ku geeraar

 

40. Gurigaad ku nooshahay u arag gola barwaaqeed


 

41. Gudo faralka eebbiyo digrigaa sarre ku gaadhsiine

 

42. Shaydaanku yuu kugu garbayn gubada naareede


 

43. Kala gee xaq iyo baadilkoo gees u kala-saar

 

44. Gumaysiga dad-bani yuu caqliga kaaga rooc-xadin


 

45. Gurac yaanu taariikhihii kaafir kuu gelin

 

46. Gasiin aan la cunin baa jiree garo cadquudheed


 

47. Guushkiyo qadhaabkay sitaan yay kusoo gelin

 

48. Gocoraa arlada meerayoo lagu gabraartaaye


 

49. Dadka waa laga dayaa ha noqon miday ku guuraan

 

50. Garabkaaga ina wiil ka eeg oo ila gudboonoow


 

51. Gob ilaahay bay naga dhigiyo geesi aan biqine

 

52. Gun inaad ahaatiyo ciddii geeri kula doonta


 

53. Adiguna arwaaxdooda goo gawraca u loog

 

54. Waxa aad gudiyo waxaad-gashiyo gooninima dawlo


 

55. Ninka aan gartaadiyo ku marin goosashiyo laabad

 

56. Adiguna garawshaha ha marin gawdhi weligaaba


 

57. Gubniyaal al-kumo ciidankii gooya cadawgaa

 

58. Saanada gurguurtiyo madfaca la isla gaadaayo


 

59. Guudmarada duushiyo lahaw bada wax kuu goosha

 

60. Gocondhiyo xidiga qaata iyo weliba gaashaamo


 

61. Garoomiyo tabcada jananimo guudka ku caseeya

 

62. Gumucyada lahaw iyo biraha rag isku gaadhaayo


 

63. Godkii shalay abeeskuu galiyo meel gungume jiifo

 

64. Gacantaada haw celin mar kale maaha gacalkaaye


 

65. Gar ma-qaatayaal iyo ha noqon gorod sidoodii

 

66. Gal dad-liqa ul-baa lagu dayaa, meelgundheera ahe


 

67. Gacmataaga yaan lagu hodin waa bad guda-wayne

 

68. Adoo goba galooloo mudh-baxay, ciddi ku gaadhaynin


 

69. Gumariyo ha noqon ciinka iyo gawlada qaar

 

70. Gari diiday laba ruux ilkaha in ay guduudaaye


 

71. Waataa gafuur culus dishaye hayna garabgayn

 

72. Uurkaynu kala guurinaye geliya maankiina


 

73. Afartaa gudbaye waa tixkale gar iyo waaqeena

 

 

74. Goobtaad istaagtiyo xusuus aad la gubayootay


 

75. Anba gooha waan kula qabaa gamalaaaneede

 

76. Gadhkii iyo timii weli ma-jarin igu gadaanaaye


 

77. Garabkeena nimankii ka baxay geeridaa xaq ahe

 

78. Gadaal looma soo celinayee ducada gaadhsii


 

79. Gabaldhacaba waa-baa xigoo soo guduud baxa

 

80. Waxkastoo na gaadhoo halgammo loogu guday waayo


 

81. Guulaystayaaloow wataa guushii kow tahay

 

82. Goob nabadda weeyoo xornimo aan ku gamanaa


 

83. Guyaal tegay waxaan soomareen gunudnay taariikhda

 

84. Gaadhsii gadaal-dhaladadiyo gurungurcoodkii


 

85. Kuwii aabbohood gawracaye ehel-gumaadaayay

 

86. Gaaleefihii-bay sitaan gacanku dhiiglaa


 

87. Gardaro garab og-weeyiyo gaaja ciilqaba

 

88. Gumaysigu dunuubtuu galuu gees kale u rogi


 

89. Belo geedi bay kugu tidhaa ama’se guur-doone

 

90. Gobannimo ayaantii godkiyo goofka lagu tuuray


 

91. Goobjoogayaal baanu nahay golaha taagnaa

 

92. Gaar midaan u leenay ahayd tii la gaasiraye


 

93. Guryaa ba’ay markii lala tegiyo galangal meel baasa

 

94. Gandi baa ku kacay diintii iyo garashadeeniiye


 

95. Gunbaa tidhi anay igu gudhaa gooya xaajada

 

96. Guulwade amaan-jecel cayaar loo gablay-tumay


 

97. Hadal gola ka fuuliyo markii geedba laga yeedhay

 

98. Gam dibnaha markii laga dhigay ee lays garmarinwaayay


 

99. Ayay gacanku ciilbeel-tagtoo laysu goodiyaye

 

100. Hubka ciida-guba iyo qoryaha laysu soo guraye


 

101. Guyaal tobana dheeraad dagaal gaadhay baa dhacay

 

102. Waxa geli-darxumo loogu qaxay guri AXMAAR joogo


 

103. Ka gilgilo xumaan bay ahayd gooye nololeed

 

104. Garmaqaate weeyaan jahligu aan warkaa geline


 

105. Godba waxa iskale baadilkii laga golroonaaye

 

106. Galtibaanu layniyo dugaag laysu soo guraye


 

107. Garashada Ilaahay dar qaba maanu gawricin

 

108. Goortay kaceen faqashta iyo garab ag-joogoodu


 

109. Godobtiyo kuwii daynka qabay saamax loo garay

 

110. Gogoshaanu nabadda u dhignaye maanu aargudan


 

111. Gawskii calaashaday dadkii aan waxba u gaysan

 

112. Maantana ha noo soo gabyaan maanku geli-waa


 

113. Guudkaanu soomaalinahay haw-giriirixan

 

114. Geestoodu waa dawlad-li’i guraya raad beena


 

115. Gaalay u qaadaan kabaha kuman guruubooda

 

116. Waa gabara-sudhantii hilbiyo dhiig ku gaamuray


 

117. Xaqa way gadaan oo dadkay gawda ku hayaan

 

118. Waa kaalayoo nala gubta nolol ma gaadhaan


 

119. Garaadkii hagaayaa dhintoo tuug go’aan male

 

120. Gujadii talyaanigu bariyo gamasku waa dhiig


 

121. Allihii na kala gooyay baan mahad u gaynaaye

 

122.Gudcurkaasi waw abid inay gibidhacleeyaane


 

123. Gurac iyo nasiibkooda xumi ha isku goobteen

 

124. Waa duni gadòontoo wakhtigu galay sabaankii


 

125.Garanwaayaday nagu batiyo soogalaytiga

 

126. Gaban waalidkii caasiyaa gelaya naaraa


 

127.Guulakacabsigiiaadamuhuwuugabaabsiyay

 

128. Gululucada murankiyo bidcigu ways gagabiyaa


 

129. Gacantaada eed ruux layidhi wuu isgawrici

 

130. Doqon baa ku gu’i dhuunigii gawsa-xiinada


 

131. Dadkana laba gardaaq baa jiriyo geedxun laamaaha

 

132.Gadh-casiyo cuqaal haw malayn goxosha waayeele


 

133.Guubaaboyey kaaga dhigin gaba warkaagiiye

 

134. Waxba gabaygu yuu ila hadfine waxan kusoo gaabshay


 

135. Gondahaad ku haysaa janada garo albaabkeeda

 

136. Geshaa idinka muuqdiyo jidh uu goobay farawgiiye


 

137. Gogol nabadda talo lagu guntaad sama ku gaadhaane

 

138. Gumuciyo rasaas laysku riday geeriday-badine


 

139. Galadna male aqoongaabyadii taa u gaardiyaye

 

140. Gondahay belaayada hayaan gumartideeniiye


 

141. Geesaha ka joogsada talay gobi u aydaaye


 

 

 

 

Abwaan Cali Haybe Cige

 

TEL: +252634429279

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...