Jahbado Ma Ahee Jin Soo Daayo,Jabuuti U Adkayso Jiiftada.
Bismillah Alraxmaan Alraxiim.{A.S.C.W.R.W.B}
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.
1-Jalkii Aad Ka Jarteen,
Jalaadkodi Isqorsay,
Jahaad Waanay Karayn,
2-Jiiraan Baynu Ahayne,
Jahbaday Ku Dhawaqday,
Waa Waxaan Jira Haynin.
3-Jaarkeen Weeye Jabutiye,
Jiriya Oo Naxariisto,
Jixinjix Aan U Lahano.
4-Joog Ninkii Laga Waayay,
Jiifsayo Durba Qayliye,
Yaan Jabkiisa La Daawan.
5-Jahbada Jooga Dalkeena,
Joojiya Oo Ka Ilaasha,
Dadkeena Jooga Ileene.
Ismail Abdillahi Handuleh
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...