Fool-halawga Somaliland

0
Wednesday July 10, 2024 - 19:57:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fool-halawga Somaliland

    Somalinad waxay u afduubantay dad siyaasada iyo garaadkaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalinad waxay u afduubantay dad siyaasada iyo garaadkaba


Sannadiihii u danbeeyay waxa Somaliland ka taagan jahawareer farabadan, waxa dhacay turaanturooyin badan oo madmadaw galiyay nabadii iyo deganaanshiyihii ay Somaliland muddo ku naaloonaysay. Sidii dooni jeheeyihi ka lulamy ayaa waxa Somaliland hadheeyay muran siyaasadeed oo wiiqay amnigii, wadajirkii iyo kalsoonidii dadka degan Somaliland.



Waxa go’ay dad iyo deegan dhamaystiran mana muuqato goor iyo goob ay ku soo laban doonan. Waxa taagan halis ah sidii laysugu haynlahaa inta kahadhay Somaliland. Waxa lahayaa wadadii ay ku tagtay Sool iyo Sanaag bari. Dadkii gaboodfalkaa ka masuulka ahaa lalam xisaabtami karo waayo way kasareeyaan xeerarka wadanka u yaala.


Somalinad waxay u afduubantay dad siyaasada iyo garaadkaba aan qaangaadh ka ahayn. Dadkiina si ay uga jeediyaan fashalka siyaasadeed, dhuleed, da’deed iyo dhaqaaled ee dhacay waxay, maalinba cadaw ku sheegaan cidda farta ku tilmaanta. Darraad waxay cadaw inoogu sheegeen dadkii Hargeisa, Burco, iyo Ceerigaabo daganaa. Shalayna kii Laascaanood daganaa. Maantana waa Jabuuti. Caqligii muqayiliinta aa ee khaakhaayiraada ku dhisnaa ayaa muuqda inuu ina hagayo. Waxa sokeeye laynoogu sheegay nin degan Addis Ababa, Bahir Dar iyo Maqala oo af iyo dhaqan midna inaga dhaxayn.


Maanta Jabuuti ayaa afka laynoo galiyay xininyihii laascaanood lagaga adkaan waayay ayaa Jabuuti loogu hanjabayaa. Halkii indho iyo garaad fayaw lagu eegi lahaa deegaan siyaasadeedka Somaliland ku gedaaman ayaa durba waxy bilaabeen buuqii iyo sawaxankii dumarka iyo caruurta ay ku kicinjireen.


Dadkii reer Somaliland kol waa loo kala abtiriyay, kolna Oromo iyo Irir, kolna huwan iyo cadaw gudaha ah ayaa lagu sheegay, intaas kuwa samaynayaa waa kuwii aynu dooranay ee midida daabka inoo hayay.


Somaliland waxa ku dhacay khasaare istraatiijiyadeed, saamayn xoogan oo tabana mustaqbalka fog ku yeeshay. ILAAH ka saara way leedahay, se cidda maanta dalka shookaanta u haysaa, inooma wadaan guri barwaaqo. Garasho iyo ulakac siday ka tahayba, waa in dadka reer Somaliland ay kooxdan wadanka ka badbaadiyaan. Qabiil iyo dano siyaasadeed ma jiri doonaan haddii Somaliland wiiqanto, meel aan la mahadina waynu wadagali.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...