Odayada Hirdamaye,Dadka Kala Hiraayow,Hiirtaanyada Xasuustu,Haaneediwa Samaha.

0
Wednesday July 10, 2024 - 19:53:49 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odayada Hirdamaye,Dadka Kala Hiraayow,Hiirtaanyada Xasuustu,Haaneediwa Samaha.

    Tu Khaas Ahan Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahan Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]


 

Hanjebaada Qaarkeed,Halaag Baad Ka Mudataa,

Halganku Ma Ah Caynkaase,Haddii Loo Hilobaba,


Colka Lama Horjoogee,Horba Laga Dhaqaajaa,

Hawlyaraan Ha Moodina,Hayaankaad Gelaysaan,



Heeryada Awrta Saartee,Ha Ku Soo Hubeeyaane,

Halka Aad Ku Furaysaan,Hoygiinuun Weeyaanod,


Holackad Sudhaysan,Halisnaw Malegten,

Hortiina Iyo Hareera,Gadaalba La Hubiya,


Hooyay Hubsiimada,Hal Dhanba La Siista,

Hubiyo Go'anada,Hanfadun Ha Noqonina.


Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...