Isbedelka Somaliland U Baahantay Waa Noocma.

0
Wednesday July 10, 2024 - 19:45:05 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbedelka Somaliland U Baahantay Waa Noocma.

    Maaha In Ictiraaf La Helo Oo Qudha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maaha In Ictiraaf La Helo Oo Qudha.



Waa Hubaal In Loo Baahanyey In Isbedel Ku Yimmaaddo Xaaladda Somaliland Ku Suggantay 35 Soddonkii Sano Ee U Dambeeyey , Xilliyaduna Ay Sii Kala Darraayeen Ha

Xummaado Kan Ay Gelisay Xukuumadda Muse Biixi , Ina Kaahin Iyo SULEIMAN GAAL.

 

Haddaan Is Dul Taago Dhawr Arrimood Oo Ragaadiyey Dawladnimada Somaliland Shacabkuna Wax Shaqo Ah Ku Lahayn. Maxaa Yeelay Haddaynu Diinta Iyo Ayadaha Quranka Oo In Badan Dawladnimada Iyo Xukunada Shucuubta Ka Hadla U Fiirsano Waxay Sheegayaan In Xummaanta Ummadeed Kasoo Dhaadhacdo Xagga Xukaamta Oo Shacuubta Fasahaadiso Ee Aan Xumaantu Shucuubta Ka Bilaabmin Oo Kor U Kicin Oo Xukaamta Fasahaadin. Markaa Fasahaadka Burburka, Dagaalada, Maamulxumada, Qabyaaladda Waxa Xun Ee Somaliland Ragaadiyey Oo Dhan Xukaamadaha Somaliland Baa Ka Masuula Dhibaatooyinka Maamulxumada, Distoor Jebinta, Hanti Boobka, Dagaalada, Xadhiga Siyaasiga Ah Ee Xadhkaa Goostay, Dhulka Iyo Badda Ethiopia Lagu Sooryaynayo Ee Dano Khaasa La Weydaarsanyo Iyo Wixii La Mida.

Arimaha Ka Guracan Maamulka Somaliland Ee Dalka Raagaadiyey Suaasha U Muhiimsan Waa Isbedelka Somaliland U Baahantay Waa Noocee. Waa In Fikir Qoto-Dheer La Geliyaa Jawaabta Suaashaa.

1- Maaha In Xukuumad Cusub Uun La Keeno Oo Qudha.

2- Maaha In Madaxweyne Madaxweyne Kale Lagu Bedelo Oo Qudha.

3- Maaha In Dawlad Lawada Leeyey Oo Qabaailku Ka Wada Dhex Muuqdo Oo Qudha La Helo.

4- Maaha In Ictiraaf La Helo Oo Qudha.

Qodobadaa Iyo Qaar Kaloo Badan Oo Loo Baahanyey Oo Qudha Dhibaatada Wadanka Haysataa Way Ka Xeel Dheertay. Aniga Waxaa Ii Muuqata Haddii Intaa Aan Kor Kusoo Sheegay Oo Dhan La Helo Inaan Wax Isbedeli Imanayn Maxaa Sidaa Wacay Ama Ka Yeelay, Arimahaasi Waa ( Primary Problems) Kuwa Dawladnimada Somaliland Horuusocod Keeda Hortaagan Maaha Boqolkiiba Sideetan.

 

Somaliland Waxaa Isbedel Ka Dhici Kara Oo Qudha Haddii Arimaha Ragaadiyey Dawladnimada Si Xaqiiqa Ah Madaxweynaha Soo Socdaa U Guntado Waxka Bedelkooda Arimaha Soo Socda:

 

1- In Distoorka La Furo Oo Qodobo Badan Laga Saaro Qaarna Wax Ka Bedel Lagu Sameeyo.

 

A) Waa In (Power) Kan Madaxweynayaasha Awoodda Wax Kasta Siiyey Laga Bedelaa Oo Wadanka System Institutions Hogaamiyaan Ay U Xilsaaran Yihiin Distoorka Dalka Een Maskax Qof Qudha La Isku Halayn.

 

B) Madaxweynaha Waa Inaanuu 9 Ka Xaakim Ee Maraykanka Lagaga Dayday Waa Inaanuu Soo Dooran ,Eryi Karin, Mushahaarada Ka Goyn Karin Oonay Hoos Imanba.

 

C) Muddo Kordinta Oo Dhan Waa In Hilibka Doofaarka Oo Kale Somaliland Ay Ka Noqotaa Oo Aan Madaxweyne, Baarlamaano. Iyo Dawlado Hoose Dib Uga Dhicin.

 

D) Madaxweynayaashu Waa Inaanay Dhul Iyo Bad Midna Awood Ay Keligood Ku Bixiyaan Yeelan Oo Distoorku U Diidaa.

 

E) Waa Inaan Madaxweynahu Cunaqabatayn Iyo Misaaniyadda Waxa Ugu Jira Baarlamaanada, Dawladaa Hoose Iyo Xisbiyada Waa Inay Ka Madax Bannaanaadaan.

F) Wax Kastoo Power Dheeraad Ku Ah Madaxweynayaaasha Waa In Laga Qaada Waayo Imika Somaliland Madaxweynihii Yimmaadaa Isagaa Wax Kasta Iska Leh.

 

F) Ciidamada Siiba Booliska Waxaa Magacooda 2aad Loo Yaqaan Caalamka (The Law) Waa Inay Sharciga U Eegaan Ee Aanay Hadal Iyo Telephone Madaxweyne Iyo Madax Ku Fulin Shaqooyinka Booliska Ee Waa Inay MASTARADA SAARAAN SHARCI YAQAANADA BOOLISKU IYO XEER ILAALIYASHA, Qofkasta Oo Dembi Ku Caddayn Waa Inaan Qof Loo Xidhin Xitaa Madaxweyne Waa Inaanu Sharciga Ka Dulboodin Oo Dadka Telephone Ku Xidhxidhin.

 

Madaxweynaha Cusubi Haddii Aanuu Arimahaa Ku Guntan Oonuu Wax Ka Bedelin Isbedelku BEEN BEEN Iyo Kursi Doon Buu Ku Jirayaa.

 

Isbedelka Nooca Loo Baahanyey Waa In Banka Lasoo Dhigaa Intaan Doorashada La Gelin Oo Kursigan Madaxweynaha Power Aanuu Xaq U Lahayn Baa Ku Batay Haddii Kale Dictatorship Iyo Jabhado Iyo Gobolo Dagaalama Laga Dhammaanmaayo.

 

 

Wa Billahi Tawfiiq

 

Qoraa Mohamed Bashe.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...