Fadhigii Baarlamaanka Somaliya Yeelan Lahaa Maanta Oo Kooram La'aan Ufurmi Waayay.
"Fadhiga maanta ayaa qorshuhu ahaa in looga hadlo …"
Kulan maanta baarlamaanku yeellan lahaa ayaa u baaqday kooram la’aan sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaden Maxamed Nuur Madoobe.
Aaden Madoobe ayaa
xildhibaannada aan fadhiga ka soo qayb gelin u sheegay in arrintaasi ay ceeb ku
tahay baarlamaanka isagoo ugu digay in mar kale ay dhacdo.
Dhawaan ayay ahayd
markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu furay kalfadhigii shanaad ee
baarlamaanka 11-aad.
Fadhiga maanta ayaa
qorshuhu ahaa in looga hadlo xeerar iyo sharciyo muhiim ah sida uu horey u
shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka.
BBC
Loading...
Loading...