Dawlada Jabuuti Oo Magangalyo Iyo Tababaaro Siinaysa Jabhado Ka Dhan Ah Somaliland

0
Wednesday July 10, 2024 - 07:57:02 in News by Abdi Good
  • Visits: 2929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Jabuuti Oo Magangalyo Iyo Tababaaro Siinaysa Jabhado Ka Dhan Ah Somaliland

    Dawlada Jabuuti Oo Magangalyo Iyo Tababaaro Siinaysa Jabhado Ka Dhan Ah Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Jabuuti Oo Magangalyo Iyo Tababaaro Siinaysa Jabhado Ka Dhan Ah Somaliland


Dowladda Jabuuti, ayaa waxaa ay wadaa qorshe ay ku abaabulayso kooxo malleeshiyaad ah, si ay u wiiqdo amniga iyo xasiloonida dalka Somaliland.

Jabuuti, ayaa si aamusnaan ah waxaa ay u tababaraysaa Malleeshiyad si ay u wiiqaan heshiiskii MOU ee ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen.

Xogta warkan ku saabsan malleeshiyaadkan ay Jabuuti tababarayso, ayaa waxaa baahisay Majalada Sirdoonka Afrika ee la yidhaahdo,Africa Intelligence.

Xogta, ayaa sheegtay in Malleeshiyadka Jabuuti tababarayso, ay yihiin kooxaha la baxay Awdal State iyo SSC-Khaatumo.

Jabuuti, ayaa laga dareemayaa dagaalka diblomaasiyadeed ee ka dhan ah dalka Somaliland, kadib heshiiskii isfahan ee ay wada saxeexdeen dowladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo maamulkiisa, ayaa ay si toos ah u caddaysteen cadaawadda iyo colaadda gaammurtay ee ay u qabaan Somaliland.

Tallaabadan, ayaa waxaa ay si cad u muujinaysaa shirqoollada dhagaraysan ee hoggaamiyaha Jabbuuti u maleegayo Somaliland.

Masaafada u dhaxaysa xuduudka Somaliland iyo Jabuuti iyo qasriga Madaxweyne Geelle waa 15 km oo keliya, taas oo ka dhigaysa in uu aad ugu nugul yahay dagaal kasta oo uu la galo Somaliland.



https://www.africaintelligence.com/eastern-africa-and-the-horn/2024/07/08/djibouti-somaliland-tensions-rise.


Loading...
Loading...