Wiil Dhalinyaro Ahaa Oo Isku Daldalay Magaalada Hargeysa Iyo Ciidanka Oo War Ka Soo Saaray

0
Wednesday July 10, 2024 - 07:52:37 in News by Abdi Good
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Dhalinyaro Ahaa Oo Isku Daldalay Magaalada Hargeysa Iyo Ciidanka Oo War Ka Soo Saaray

    Wiil Dhalinyaro Ahaa Oo Isku Daldalay Magaalada Hargeysa Iyo Ciidanka Oo War Ka Soo Saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil Dhalinyaro Ahaa Oo Isku Daldalay Magaalada Hargeysa Iyo Ciidanka Oo War Ka Soo Saaray


Faah-faahin dheeraad ah, ayaa ka soo baxaysa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa, kadib markii uu isku dal-dalay Wiil Dhalinyaro ah.

Qoraal ka soo baxay ciidanka Dab-demiska Somaliland, ayaa waxaa lagu sheegay in wiilka yar ay soo bad-baadiyeen, kadib markii ay u sameeyeen gurmad deg-deg ah.

Wiilka oo dhaawac daran ah, ayaa haatan la geeyay mid ka mid ah isbitaallada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Hargeysa, si loogu dabiibo xalaaddiisa caafimaad.

"Ciidanka Dabdemiska magaalada Hargeysa ayaa soo badbaadiyay Wiil dhalinyara oo isa soo dal-dalay. Ciidamada Dabdemiska ayaa markii ay dhameeyeen hawlgalkii Kaalinta Shidaalka ee Kaah ayaa waxaa ciidanku u baxeen hawlgal kale kaasi oo ahaa wiil yar oo isa soo dal-dalay” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Sidoo kale, ciidanku wuxuu intaasi sii raaciyay, "Ciidanka Dabdemiska ayaa wiilkaas yar soo gaadhsiiyay cisbitaalka Amal Grand Hospital”.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa is dal-dalaadda wiilkan yar ama xaaladda ku kaliftay inuu nolosha is dhaafiyo, waxaase socda baadhitaano ay wadaan laamaha amniga.

Taliska ciidanka Dab-damiska oo maalmahan waday howlaha gurmad ah oo ay u sameynayaan shacabka, ayaa ugu dambeyn digniin u diray dadka, waxayna fareen inay ka fogaadaan falalka halista ah ee waxyeeleyn kara noloshooda.

"Hadaba waxaanu halkan bulshada uga digaynaynaa in falalkaa halista ah ka digtoonaadaan. Fadlan soo wac 990 lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka Dabdemiska shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadoodba” ayaa mar kale lagu yidhi.




Loading...
Loading...