Xildhibaanada Somaliland Taageersan Ee Baarlamaanka Ingiriiska Dib Loogu Doortay Iyo Kuwa Dhacay

0
Wednesday July 10, 2024 - 07:29:22 in News by Abdi Good
  • Visits: 1173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Somaliland Taageersan Ee Baarlamaanka Ingiriiska Dib Loogu Doortay Iyo Kuwa Dhacay

    Xildhibaanada Somaliland Taageersan Ee Baarlamaanka Ingiriiska Dib Loogu Doortay Iyo Kuwa Dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Somaliland Taageersan Ee Baarlamaanka Ingiriiska Dib Loogu Doortay Iyo Kuwa Dhacay

Dhawaan UK waxaa ka dhacday doorashada guud ee dalkaas, taasoo lagu soo doortay xubnaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha oo xisbigiisu uu tartanka ku guulaystay. Xisbiga shaqaalaha ayaa 14 sano ka dib mar kale xukunka ku soo laabtay.

Sidoo kale waxaa la soo doortay xubnaha labada aqal ee baarlamaanka UK oo ka kooban aqalka sare (Lords) iyo aqalka hoose (Commons).

Siyaasiyiinta UK waxay aad ula socdaan ama ay si firfircoon ugu dhex jiraan siyaasadaha dunida, gaar ahaan geeska Afrika, waxaana sannadihii u dambeeyey jiray kudlad xildhibaannadaas ka mid ah oo aad ugu ololeynayey in UK ay aqoonsato Somaliland. Xubnaha kudladaas badaknood waxay u muuqataa in dib loo soo doortay, qaarna ay kuraastoodii waayeen.

Waxay isugu jiraan xildhibaanadaas qaar Somaliland tegey oo la dhacay nabadda iyo nidaamka ka jira, qaarna waxay u arkaan in maadaama muddo 30 ka badan ay ictiraaf raadinayeen ay iminka istaahilaan in la aqoonsado, halka qaar kale ayba muddo hormuud ka ahaayeen aqoonsi raadinta Somaliland. Waxaa kaloo jira xildhibaannadaas qaarkood oo u arka aqoonsiga Somaliland in dantooda (UK) ay ku jirto.

Xildhibaannada dib u soo laabtay doorashadan ee taageera, si toos ah ama si dadban qaddiyadda Somaliland waxaa ka mid ah:

Gavin Williamson (Muxaafid)



Gavin Williamson


Xildhibaankan waa kan hormuudka u ah aqoonsiga Somaliland, wuxuu aaminsan yahay in reer Somaliland la faquuqay, weerar lagu qaaday, dayaaradihii dawladdii Soomaaliyana ay duqeeyeen. Wuxuu si toos ah ugu ololeeyaa in la aqoonsado.


Rushanara Ali

Rushanara Ali (Shaqaalaha)

Waa gabar ka tirsan xisbiga shaqaalaha. Waxay u aragtaa in Somaliland istaahisho in la ictiraafo maadaama ay so buuxisay shuruudihii dal looga baahnaa sida lacag ay leeyihiin iyo doorashooyin dimoqaraadi ah oo ka dhacay.

Andrew Mitchell (Muxaafid)

Wuxuu ninkani hore xilal uga soo qabtay dawladihii UK, booqashana wuxuu ku tegey Hargeysa, wuxuuna la dhacay wixii uu ku soo arkay.

Sir Robert Buckland (Muxaafid)

Dad reer Somaliland ah ayaa ku nool deegaan-doorashadiisa South Swindon, wuxuu aaminsan yahay in Somaliland ay ku taallo meel istaraatiji ah oo u dhow marinka caalamiga ah ee maraakiibta.

Kim Johnson (shaqaalaha)

Deegaandoorashada gabadhan ay ka soo jeeddo waxaa muddo dheer deganaa Soomaali ay reer Somalilamd ka mid yihiin, waxayna iweydiinaysay bal in UK ay taageerayso afti laga qaado dadka reer Somaliland si loo ogaado rabitaankooda dimoqaraadiyeed.

Clive Betts (Shaqaalaha)

Wuxuu ka soo galaa deegaan-doorashada koofurta barie e Sheffield oo ay ku nool yihiin jaaliyad aad u badan oo reer Somailland ah, waana nin aad ula socda qaabkii ay koofurta iyo waqooyigu isugu darsameen 1960, wuxuuna leeyahay „waxaa la joogaa xilligii ay xukuumadeennu aqoosnan lahayd”.


Tim Loughton


Tim Loughton

xildhibaanada aan dib loo soo dooran


Waxaa kale oo jira tiro xildhibaanno ah oo taageersan ama u garaabaya qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland oo dib loo soo doortay, laakinse waxaa jira kuwo aan dib loo soo dooran, waxaana ka mid ah:

James Daly (Muxaafid)

Wuxuu aaminsan yahay inay jiraan siyaabo badan oo Somaliland lagu aqoonsan karo.

Bob Steward (Muxaafid)

"Deegaan-doorashadayda ma deggana reer Somaliland, laakinse jacayl weyn ayaan dalkaas u hayaa. Ayeydeey ayaa ka soo jeedda Somaliland markii aan ku noolayn Cadan” ayuu yiri. Wuxuu aaminsan ayahay inay sax tahay in Somaliland la aqoonsado, xukuumadoodana ay ku dhiirri galinayaan inay gacan ka gaysato sidii Somaliland ay u noqon lahayd dal dhab ah.

Tim Loughton

Xildhibaankan ayaa bishii April laga musaafuriyey jamhuuriyadda Jabuuti, xilli uu ka soo laabtay Somaliland, waxaana uu ka mid yahay xildhibaannada safka hore kaga jira raadinta ictiraafka Somaliland. Jabuuti kama aysan hadlin sababta ay xildhibaankaas u musaafurisay.

Tim Loughton uma uusan soo istaagin inuu mar kale u tartamo baarlamaanka.


Loading...
Loading...