Lionel Messi Oo Argentine Geeyey Finalka Copa America Iyo Spain Oo Faransiiska Si Foolxun Uga Saartay Tartanka Yurub
Lionel Messi Oo Argentine Geeyey Finalka Copa America Iyo Spain Oo Faransiiska Si Foolxun Uga Saartay Tartanka Yurub
xulka kubada cagta dalka Spain ayaa guuldaro xanuun badan u xanbaariyey dhigooda faransiiska kadibna iska xaadiriyey ciyaarta ugu danbaysa ee koobka wadamada Yurub.
xulka spain oo dhinac walba kaga awood badnaa Faransiiska ayaa laba gool yo hal ku gaadhay guul ku hogaamisay inay iska xaadiriiyaan ciyaarta finalka ah ee koobka Yurub, ciyaartoyga da'da yar ee Lamine Yamal ayaa markale si weyn isku muujiyey isaga oo dhaliyey gool ka mid ah labada gool ee ay spian ku guulaysatay.
dhinaca kale Argentina ayaa iska xaadirisay ciyaarta Final-ka ah ee Copa America, ka dib markii ay Canada kaga guulaysteen 2 gool iyo waxba.
Lionel Messi iyo Julian Alvares ayaa Argentina ku hogaamiyey inay markii labaad oo xidhiidh ah tagaan ciyaarta Final-ka ee Copa America oo ay iyagu difaacanayaan.
xulka Argentina ayaa sugaya midka soo gudba wadamada Uruguay iyo Colombia oo isku wajahaya afar dhamaadka.
Ronaldihii ay reer Yurub daba eryi jireen Messi ayaa ugu danbayn waayuhu u run sheegay.
Loading...
Loading...