Madaxweyne wax muuqda dhaqdhaqaaji

0
Tuesday July 09, 2024 - 17:06:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne wax muuqda dhaqdhaqaaji

    Duufaano siyaasadeed oo guddo iyo dibed ba ahina way

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duufaano siyaasadeed oo guddo iyo dibed ba ahina way

May be an image of 2 people and dais





Madaxweyne, dagaalkii Laascaanood waxaad ku eedaysay Itoobiya, Kenya iyo Somaliya, dhibaato laxaad leh oo aynaan illaa hada ka soo kaban waxna ka qaban baa inaga soo gaadhay.


Muddo kooban kadib, shirkii Djibouti ee aad Somaliya qoddobada ku kala saxeexateen balse maalmo kadib buray ee aad Safarkii Addis ababa ku tagtay ee aad Heshiiska hordhaca ah ku soo gashay baa ka danbaysay.


Djibouti iyo Somaliya ayaad ku eedaysay inay dagaal af iyo adinba inagu soo qaaday oo wali wada sida muuqata oo gudo iyo dibed ba inagaga socota.


Dadkii reer Somaliland way shakisan yihiin, waxay kala garan la'yihiin dhinac loo socdo, waayo; heshiiskii Itoobiya aad la soo gashay baan bislayn, goor uu bislaan doonana ummaddu way qiyaasi kari la'dahay.


Duufaano siyaasadeed oo guddo iyo dibed ba ahina way inagu socdaan, haddii ta dibeda laguuba daayo bal waxaad ka damacsan tahay iyo khayrka aad inoo ogtahay.


Tii gudaha ayaa walaaceeda leh oo dhaqdhaqaaaqyo lidi inagu ahbaa la inagu wadaaye mid uun maad dadka ku rajo galisidood dadka quluubtooda ku sugsiisid guusha wayn ee aad dadka u calaamadisay ee ay Itoobiya inoo karinayso.


Madaxweyne wax muuqda dhaqdhaqaaji

Siyaasi Xuutto .

Loading...
Loading...