Guusha waa lagu soo xoomaa, guuldarradana waa la xero weydaartaa...W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan

0
Monday July 15, 2019 - 17:03:48 in Articles by
  • Visits: 1967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guusha waa lagu soo xoomaa, guuldarradana waa la xero weydaartaa...W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan

    Guusha waa lagu soo xoomaa, guuldarradana waa la xero weydaartaa...W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guusha waa lagu soo xoomaa, guuldarradana waa la xero weydaartaa...W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan


Xoolaha berri markabka laga rogayo ee xannibnaa waa loo wada dedaaley jaaliyad iyo ganacsato,Carab iyo cajabba.


Jaaliyad Sucuudiga ka jirtaa, sideedaba, ma leh awood iyo kaalin ay hawlahaas oo kake wax kaga qaban karto. Nimanka cigaallada sita ee Somali-Sucuudiga ahina arrimahaas ma geli karaan. Horta taas ogaada.

Image result for maxamed baashe xaaji xasan


Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadaa xoolahaas marna xannibtey, mar kalena fasaxday. Waa tijaabo awood siyaasadeed.


Dadkii dedaalka badan hawshaas geliyey ee abbaaray halka ay u dhimatay waxa ugu fadallo cadcaddaa nin ganacsade ah oo Khadar Beyle la yidhaa.


Waa wararkii kuwani goobjoogga looga qaateenka ahaa ee xogogaalka rasmiga ah u ahaa arrinta xoolaha markabka saaran. Ma aha kutirikuteen.


Khadar iyo rag ku lammaani waxa ay safaaradda Soomaalida culays ku saareen in ay bixiso oggolaansho xoolaha markabka lagaga rogo.


Safaaraddu taas waa ay ka aqbashay, hase yeeshee xukuumadda Sucuudigu waxa ay safaaradda u sheegtay in ay taallo diidmo wasiir oo ah xannibaad uu sameeyey wasiirka xannaanada xoolaha DFS. Sidaas darteed loo baahan yahay in aad idinku xukuumad ahaan meel isugu lugo duwataan.


Khadar Beyle waxa uu dedaal u sii galay in uu la xidhiidho xukuumadda FSoomaaliya madaxdeeda sare cid ka mid ah.


Waxa uu kala xidhiidhay raysal wasaare ku xigeenka DFS Khadar M. Guuleed oo arrinta xayiraadda xoolaha far lagaga godayey.


Khasaaraha gacansarada yar yar ay xoolahaasi ku keeni karaan waxa lagu qiyaasay $2 milyan.


Laba Khadar khasaarahaas ayay is tuseen iyo saamaynta xun ee xilligan adag ka dhalan kara.


Raysal wasaare Khadar waxa uu arrintaas ula tegey madaxweynihiisa oo intii hore ka yar galgashay, se markii dambe kula qancay in la bixiyo oggolaanshe xoolaha markabka lagaga rogayo, si khasaaruhu u yaraado dhaqaale iyo siyaasad ahaan ba, waayo Khadar waa mas'uulka u sarreeya qolyaha Somaliland ka soo jeeda ee maamulkaas ku jira.


Sidaas ayay laba Khadar ku soo khatimeen hawshii, xoolihiina berri, HAI, lagaga rogi doonaa markabkii ay saarnaayeen.


Waa wararkii xogogaalka looga qaateenka ah ee goobjoogga ah ee Jidda aan afkiisa ka qaaday.


Qolyaha Somaliland kaga jira xukuumadda Soomaaliya waxa ay kala qabaan laba aragtiyood marka ay Somaliland timaaddo.


Qolo uu Khadar ka mid yahay waxa ay aaminsan yihiin in Somaliland oo sideeda isu wata la la galo "midnimo mar kale ah" oo waxtar u yeelan karta labada dhibac, qolada kalena in Somaliland la kala daadiyo oo lagu gees iyo gafuuro midnimo caalwaa ah.


Khadar oo taas maskaxda ku hayaa waxa uu ka soo dhalaalay kaalin siyaasi ah oo aan laga xistiyi karin.


Bogaadin Khadar iyo inta kale ee guntiga dhiisha isaga dhigtay in la baajiyo khasaarahaas oo aan maanta wax dul ah oo lagu qaado loo hayn.


Khaladaadka xukuumadda Somaliland gashay ee ninka Carbeed ee Aljaabirna uu ku riixay ee ah in wax aan la hubin iyo sheeko suuqdi ah (aan rasmi ahayn) xoolaha lagu diro waxa ku jira casharro badan oo wax laga baran karo.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...