Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Eritrea Safar Ku Tagay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar aan la shaacin galabta ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, oo xulufo dhow ay yihiin.
Madaxweyne Xasan waxaa
garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey dhigiisa Eritrea Asaias Afwerki.
Wasiirka Warfaafinta
Eritrea ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X wuxuu ku sheegay in labada
madaxweyne ay caawa fiidka yeelanayaan shir ay uga wada hadli doonaan xiriirka
labada dal iyo danaha ka dhaxeeya.
Waa safarkii saddexaad
ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii ay
billaabatay xiisadda u dhaxeysa Ethiopia iyo Soomaaliya ee ka dhalatay
heshiskiii is-afgarad ee muranka dhaliyay ee Ethiopia la saxiixatay Somaliland,
heshiiskaasi oo si weyn ay uga hortimid dowladda dhexe ee Soomaaliua.
Madaxweyne Xasan iyo
dhiggiisa Eritrea Afwerki ayaa leh cilaaqaad xooggan, waxaana Eritrea ay
Soomaaliya u muujisay taaggeero xooggan oo ku aadan khilaafka kala dhaxeeya
Ethiopia.
Ra’iisul Wasaaraha
Ethiopia Abiy Ahmed ayaa toddobaadkii hore baarlamaanka dalkiisa ka sheeggay in
Soomaaliya aan looga baahnayn inay safaro badan u gasho si loo xaliyo khilaafka
arrimaha badda ee kala dhaxeeya, laakiin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna
baarlamaanka dalkiisa ka sheegay in Ethiopia ay tahay tan adduunyada ku
wareegaysa ee codsanaysa in Soomaaliya lala heshiisiiyo.
Wasiirro ka socda
Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa Turkigu uu ku casuumay Ankara, kuwasi oo yeeshay
kulamo aan toos ahayn, waxayna labada dhinac ku heshiiyeen in wareeg kale oo
wadahadallo ah la isugu yimaado bilowga bisha September.