Wararkii U Dambeyay Ee Xaaaladda Degmada Luuq Oo Dagaallo Culus Ay Shalay Ka Dhaceen
Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay deggentahay, iyadoo shalay halkaa uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay laba meleeshiyo beeleed.
Dagaallada ayaa
saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay Luuq hase-yeeshee dagaalkii
ugu cuslaa ayaa shalay dhacay.
Wararka ayaa intaa
ku daraya in dagaalkii shalay ay ku dhinteen dad ka badan dhowr iyo toban qof,
tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacantay.
Dad badan ayaa
sidoo kale shalay magaalada ka barakacay, kuwaas oo naftooda kala baxsanaya
isku dhacyada meleeshiyo beeleedka.
Luuq in dhawaalaba
waxay ahayd meel xasilloon, ilaa iyo haddana si rasmi ah looma oga sababta ka
dambeysa dagaalka dhowrka maalmood ka dhacayay degmadaas.
Dowladda federaalka
iyo maamulka Jubaland ayaa labaduba baaq u diray dhinacyada halkaa ku
dagaallamaya, iyagoo ku booriyay in ay xabadda joojiyaan.
BBC