Ingiriiska Oo Shaaciyay War Ka Farxiyay Dadka Soo Galootiga Ah.
Sir Keir Starmer ayaa xaqiijiyay in qorshihii muhaajiriinta loogu musaafurin jiray dalka Rwanda uu ‘’dhintay, lana aasay’’ maalintii ugu horreysay ee uu xafiiskiisa fariistay.
Hoggaamiyaha xisbiga
Shaqaalaha waxa uu sheegay in uu dhammaaday waqtigii dadka muhaajiriinta ah
sida sharci darada ah loogu geyn jiray dalka Rwanda, kaas oo ay hirgaliyeen
dawladdii hore ee xisbiga konsarfatifka.
Xisbiga shaqaalaha ayaa
ku ol’oleeyay doorashada in uu baabi’in doono qorshahan oo ku kacay illaa hadda
310 milyan oo gini, wuxuna balan qaaday in uu la iman doono hannaan waxtar leh
oo lagu dhimayo muhaajiriinta sida sharci darada ah ku soo gala UK.
Shirkiisii jaraa’id ee
ugu horeeyay markii uu galay xafiiska number 10, Sir Keir waxa uu weriyayaasha
u sheegay: ‘’Qorshihii Rwanda wuu dhintay, waana la xabaalay kahor inta aanu
bilaaban.’’
Waxa uu ku dooday in
qorshahan ‘’aanu lahayn wax faa’iido ah’’ kaliya waxa uu musaafurinnayay ‘’waxa
ka yar 1%’’ dadka doomaha ku yimaada.
Culeysyada dhaqaale ee
lagu burinayo qorshahan iyo guud ahaan miisaaniyadda canshuur bixiyayaasha,
wali lama garanayo.
Soo gabagabeynta
qorshahan ayaa ka tagaya su’aal calaamadaynaysa waxa laga yeelayo 52,000 oo
muhaajiriin ah oo la doonayay in la musaafuriyo.
BBC