Maxaa Ka Dhexeeya Shirarka Xog-Ogaalnimada Xaaladaha Geeska Africa Ee Ergeyga Maraykanka Iyo Safarka Hogaamiyaha Khaatumo?

0
Sunday July 07, 2024 - 07:48:12 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Dhexeeya Shirarka Xog-Ogaalnimada Xaaladaha Geeska Africa Ee Ergeyga Maraykanka Iyo Safarka Hogaamiyaha Khaatumo?

    Safarka hogaamiyaha khaatumo waxaa uu xidhiidh...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarka hogaamiyaha khaatumo waxaa uu xidhiidh...


Djibouti waxa ku sugan ergeyga gaarka ee maraykanka u qaabilsan Geeska Africa ambassador mike hammer oo sida lagu baahiyey boga afhayeenka xafiiska arimaha dibada maraykanka 05-July-2024 booqasho ku imanaya Djibouti iyo Addis-ababa.


 

Ujeedka uu ambassador mike hammer u imanayo ayaa lagu sheegay xaaladaha Gobolka Geeska Africa hadda ka taagan waxaana gaar loo xusay dhameystirka heshiiskii Pretoria ee Tigray iyo xukuumada Abiy Ahmed ( COHA ) , sidoo kale waxa lagu sheegay in colaadaha Amhara iyo Oromia uu kala hadli doono dawlada Ethiopia.



 

Djibouti waxa uu ku joogaa kulan la tashi midowga Africa AU, IGAD iyo xog-ogaal u noqoshada xaaladaha ka taagan gobolkan Geeska Africa inkasta oo aan la xusin mudaday qaadanayso booqashada ergayga maraykanka ee Geeska Africa uu ku joogayo Addis-ababa iyo Djibouti.


 

Haddaba waxa muuqata in xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Djibouti uu sii xumaanayey ilaa intii jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federaalka Ethiopia galeen heshiiska is-faham 01-01-2024 , sidoo kale dawlada Djibouti laga dareemayo dagaalka diblomaasiyadeed ee ka dhan ah jamhuuriyada Somaliland .


 

Safarka hogaamiyaha khaatumo waxaa uu xidhiidh la leeyahay xidhiidhka xumaaday ee jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Djibouti, ujeedada rasmiga ahina waxay tahay in khaatumo qadiyadeeda laga dhigo mid gobolka Geeska Africa ah oo arimaha Djibouti lagu hayo lagu daro.


 

Dhinaca EthiopiaDiblomaasiyiin iyo khubaro amxaaro ahi waxay cambaareynayeen ergeyga maraykanka ee Geeska Africa iyo xukuumada maraykanka oo ay ku eedaynayaan inay xidhiidh dhow la lahaayeen Tigray xiligii ay talinayeen sidoo kale indhaha ay ku eegeen dagaalkii Tigray iyo Abiy aanay ku eegin Amhara iyo Abiy oo hagrasho iyo xaglini ku jirto.


 

Isku soo wada duub ;

 

1- Jamhuuriyada Somaliland maxaa uga meel yaalla dagaalada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee lagula jiro qadiyada iyo dawladnimada jamhuuriyada Somaliland ?


 

2- XIdhiidhkii iyo danihii jamhuuriyada Somaliland iyo dawlada maraykanka ma wax baa iska badelay?

 

Dhimbiil Mohamed

Mohamed Abdi Jama

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...