Waxay tiri "Waxaa kuliyadda caafimaadka nala dhigan jiray wiil dhallinyaro ah oo qurux badan oo so jiidasho lahaa.

0
Saturday July 06, 2024 - 12:58:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxay tiri "Waxaa kuliyadda caafimaadka nala dhigan jiray wiil dhallinyaro ah oo qurux badan oo so jiidasho lahaa.

    Kadib markii aan so helay waxan samaystay ciwaan cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii aan so helay waxan samaystay ciwaan cusub



Ma garanayn, sida aan uga helay wiilkaas, mana aan haysan xiligaas meel habboon oo aan u maro ama aan kala xiriiro.

Laakin muddo kadib sidii aan u daba socday, oon u baarayey meeshaan kala xiriiri lahaa, waxan so ogaaday in Gabar aanuu saaxiibo ahayn Walaalkeed ay saaxiibo dhaw yihiin.
Kadib saaxiibtay ayaan waydiistay inay walaalkeed iiga soo qaado wiilkaan jeclaaday numberkiisa iyo meelaha lagala xiriiro .


Kadib markii aan so helay waxan samaystay ciwaan cusub oo magac nin ah, waxaana codsaday ciwankiisii waxaana ku casuumay page-yo aan ku jiray.

Muddo kadib waxan ku soo post-gareeyey boggagii aan ku so casuumay anoo isticmaalaya ciwaankii beenta ahaa ciwankiisii iyo numberkiisii, anigoo oranaya ninkani waa nin xun oo dhaqan xun ha la iska ilaaliyo hablaha ayuu xumeeyaa Waxan idhi fadlan hala waco oo dadka halaga qabto.

Saacado kadib waxaan ka soo galay ciwaankaygii saxda ahaa oo Wiilkii ayaan difaacay una hiiliyay, waxaanan iri waa dhaqan xumo in number aydaan garanayn aad soo caydaan ama la xidhiidhaan ee ha laga xishoodo Wiilkaa sharafta leh .

Wiilkii ayaa ii soo mahad celiyay, wuxuuna iga codsaday inaan is barano. Wuxuuna soo ogaaday in aanu isku magaalo deganhay,oo aanu isku Jaamacad wax ka wada barano .

Wiilkii aan jeclaaday,Sadexdan heer ayaan marsiiyey-Waan aflagaadeeyey,haddana waan ammaanay,kadibna waan hantiyey !

Wakhtigan xaadirkan Wiilkii aan Xeeladaas ku xerageliyey Waa Ninkayga,oo ay noloshu noo qurxoon tahay Alxamdulilah .

Jidka aan Ku soo Xerageliyey Ninkayga,Khiyaano miyaa Mise Xeelad Caqliyeed ? Siday Kula tahay ?

Xigasho: Hawas al qiraa’a ‘Bibliomania - By- Bintu Saciid .

Jubba Podcast
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...