Ducaddii Ayeyday.

0
Saturday July 06, 2024 - 12:32:11 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ducaddii Ayeyday.

    Barako Alley soo deg, Shaydaanow Huf oo habow!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barako Alley soo deg, Shaydaanow Huf oo habow!.



Alle ha u naxariisto Ayeeyo Qadiija Faadumo Cirku-Jarran, waxa ay ahayd ruux Duco badan oo baryada ama Tuugsiga Alle carabka ku hayn jirtay Goor iyo habeen, waxa se xusuus aan suulahayn igu reebtay subaxii jarmaadkii iskuulka, dabshidka aanu kici jirnay, ayaa marka dabka lashido Girgire iyada u gaar ahaa ayaa dabka ugu horeeya loogu ridi jiray, ayey foox inta ay dabka ku rido ayey odhan jirtay:-.



 

Barako Alley soo deg, Shaydaanow Huf oo habow!.

 

Ballaayada -

 

Ta Hore Roorran


 

Ta Danbe Reeban

 

Ta Hareeruhu Riixan


 

Ta Samadu Raarran

 

Ta Hoose Radeeban.


 

Mowlow Allahayow na Dhowr

 

Adigaanu Magan iyo


 

Kuu nahay Marti

 

Allow Allahayow.


 

Waa Duco aan yaraantii maqalkeeda qabantimay oo Runtii xusuus igu dihin ah se macnaha ducadu wuxuu igu duxay waa’ danbe, u malayn maayo Duco ama Tuugmo Alle la Tuugo ee Alle la Magan galo ee Marti qaadka Alle Dalbada maxay kale?.


 

Waa Duco ah Habar ka soo gaadh oo qiimo badan oo Kooban waxna ka tegin, Allow Ayeeyo Qadiija iyo Hooyoleydii hoyatay iyo intii Allahayow Ummaddaada adigaa naga oge intii naxariistaada u fidisay iyo intii Muslin ah u naxariiso Aamiin yaa Alle Aamiin.


 

Allow Allahayow

 

Adigaanu Magan iyo

 

Allow kuu nahay Marti.


 

Khadar Hooyoley

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...