Xukuumada Oo Fariin U Dirtay Xisbiyada Iyo Ururada Siyaasada

0
Saturday July 06, 2024 - 08:39:21 in News by Abdi Good
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Fariin U Dirtay Xisbiyada Iyo Ururada Siyaasada

    Xukuumada Oo Fariin U Dirtay Xisbiyada Iyo Ururada Siyaasada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Fariin U Dirtay Xisbiyada Iyo Ururada Siyaasada

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Faysal Maxamuud Siciid, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibad caawa lagu daah-furayay Shirkada Ignite Shining taasi oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka, ayaa si qoto dheer uga waramay shirkada Ignite Shining iyo muhiimada ay dalka u leedahay, wuxuuna sheegay in shirkadani ay qiimo weyn u leedahay Somaliland, loona baahan yahay in la is barbar taago.

Wasiirka, ayaa baaq u diray shacabka Somaliland isagoona ugu baaqay in ay isku tashadaan isla-markaana ay ku dedaalaan sidii ay wax soo saar u samayn lahaayeen.

Sidoo kale, wasiirka ayaa baaq u diray Ganacsatada dalka waxaanu ugu baaqay inay maalgeliyaan bulshada danaynaysa inay abaabulaan ganacsiyada.

Geesta kale, wasiirka, ayaa wuxuu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto cadowga Somaliland ee ku foogan inuu khalkhal geliyo amniga.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Faysal Maxamuud Siciid, ayaa wuxuu fariin u diray Xisbiyada qaranka iyo Ururrada siyaasadda, Somaliland.

Wuxuuna ugu baaqay in ay ka fogaadaan wixii cunfi ee kala qaybiniya bulshada inta lagu jiro doorashooyinka, isla-markaana amniga dalka wax u dhimaya.




Loading...
Loading...