Faisa Faarax Suusle Oo Raaligelin Ka Bixisay Hees Somaliland Ku Amaantay Axmaarada.
Hargaysa (HWN) Faiza Cheif Caaqil, Farah Suusle oo la soo xidhiidhay shabakada Hadhwanaagnews ayaa shacabka Somaliyeed ka raaligelisay hees dhawaan uusameeyay Abwaan reer Somaliland ah, heestaasi oo lagu ammaanayay shacabka Itoobiya, isla markaana heesta lagu dhaliilay shacabka Somaliyeed ee ku kala nool Garoowe iyo Muqdisho.
Dhinaca kale Faiza ayaa
eedo ujeedisay xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye iyo Xukuumadiisa
Faiza Faarax Suusle
ayaa qoraal ay ku la soo xidhiidhay Hadhwanaag uu uqornaa sidan:-
"Ummadda Somaliyeed,
waxaan ka raali galinayaa (( HEESTII Dhaawac u geysatay qof kasta oo
dhagaystay!
Axmaar, Sida Nabi
Mohamed S.C.W, uusheegay wuxuu yidhi Kacbada waxaa ku soo duuli Nin AXMAAR ah
subxanalla!!
Kulmiye iyo wixii
meesha Fadhiyey waxaan Odhan kara waxay la’midyiin AXMAARKA ay ku
raaxaysanayeen!
Abwaanka heesta
sameeyey La’ yaabi maayo Quud ayuu ka raadiyey, Alle ha’ soo ha’deeyo,
Waxaase ka sii daran
kuwa dadkaa, Doorasho ka sugaaya Ama Madax iyo Dawlad ku sheegaya!
Mar Labaad, waxaan Xaal
Buuxa ka Bixinayaa, Aniga oo ka soo Jeedda, Qoys jecel Somaali ahnna, Afkoodana
ku hadlaaya , Abwaanadda, Aqoonyahanadda, Macalimiinta , Bulshadda Afka Barra
Xaal Buxa!” ayay qoraalkeeda ku soo gaba-gabaysay.
Heestan ayaa markii ay soo
gaadhay shacabka Somaliyeed dood ka dhex dhalisay, taasi oo shacabku ku qaadaa
dhigayeen baraha Bulshada.
Hadhwanaagnews
Hargaysa/Office.