Muxuu Salka Ku Hayaa Iska Hor Imaadka Ceel-Afweyn. W/Q Rashiid Odowaa

0
Monday July 15, 2019 - 16:34:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Salka Ku Hayaa Iska Hor Imaadka Ceel-Afweyn. W/Q Rashiid Odowaa

    Anigoo aad uga xun iska hor imaadyada ka dhex dhacay labada reer ee Walahaha ah ee Ceel-afweyn dirirtu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo aad uga xun iska hor imaadyada ka dhex dhacay labada reer ee Walahaha ah ee Ceel-afweyn dirirtu

ku dhex martay,horta labada bulsho ama reer Waxay taariikh facweyn ku leeyihiin Somaliland iyo dhamaan Geyiga Somalida,labada dhinacba waa dadkayga sharafta leh ee aan ku faano mana jirto wax cadaawad oo hore oo ka dhaxaysay oo la sheegi karo ee waxaba ka dhaxayn jiray is kaashi iyo walaalnimoha yeeshee adduunku waa khilaaf u joog oo goor iyo ayaan waa la isku dhacayaa,wax u qaadan waa ah maaha oo waligeed waa la is dilaa waana la heshiiyaa,ee suaasha keliya ee la is weydiiyaa inta badan waa maxaa loo soo afjari waayay.



Noocyo faro badan ayay dadku uga hadlaan arrinta labada dhinac ee walalaha ah ee Ceel afweyn,nin kastaaba meesha uu rabo iyo sida uu rabo ayuu uga hadlaa,dadka qaar ayaa ka dhigtayba Masrax siyaasaded oo ku tijaabiyay codkarnimadooda,qaar kale siyaabo xun ayay u fasirayaan oo dadka sii kala fogaynaysa,waliba dadkaas warbaahinta iyo social mediaha taagan mar walba,ee siyasiyiin leh,ee madax dhaqameed leh intooda badan ayaan xog ama wax war ahba u haynin ee iska tuuraya uun hadalka lkn waxay ku fiicantahay in kolka hore aad baadho ka dibna aad bulshada u gudbiso waxad heshay,rayigaaga iyo qaabka aad rabto in wax loo daweeyo.


Haddaba ka sokow nasiib darrada dhacday oo dhimasho keentay haddana dadka labada dhinac maaha sida dadka qaar u haystaan kuwo kala maqan,maalin dhoweyd ayay laba nin oo saxiib ah oo labada dhinac ka kala tirsan ayaa isu yimid midbaa wuxuu ku yidhi waar reerihii way isku dhaceen,ee gaadhiga shidaal iigu shub bal aan gaadhee,wuxu kii kale ku yidhi waar Inader dhinac ayaad raacaysaa ee iska joog si kaftan ah,waa la isku cel celiyay hadalkii,markii danbe ayuu ku yidhi kaalintaas ina mari waan kuu buuxinayaa lkn waxan ilahay ka baryayaa inuu Hallayo kaaga Banjaro,horta ninkii mabuu tagine wuu ka nagaaday kolkii ay saxibkii is arkeen ee uu ku yidhi waar miyanad tagin wuxu ugu jawaabay sowdigii I habaray waan iska joogay,sidaas ayanay u ahayn dad kala maqan ee xilli kasta way wada joogaan wallow haba jirto woxoogay dhib ah,waxa kaloo hubaal ah dhowaan ayaa la isugu iman doonaa Maqaxiyaha iyo goobaha lagu kulmo dacaayad ayaa la isku tuuri doonaa iyo kaftan,waanagii idin eryannay iyo annguba maalintaas ayaanu idin eryannay,waxa ay dadku u dhimanayan horta waa intaas.


Haddii aan dib u baadhay sheekadu kumay bilaabmin sida dad badani u dhigayaan ee ay ka dhigayaan Siyaasad ee waxay ku bilaabmatay Daaqsin iyo biyo, oo ninkii koowaad ku dhintay,meesha loo yaqaan "bacaha” oo berked biyood la isku jiidhay ka dib kor ayunbay uga sii socotay,nimanka reer baadiyaha ahi ee qabaailku waa u caado aanada iyo hebel ma loo aaray,erayada ay isticmaalan waxa ka mid ah "waa Bun tirsi” macnaha tirada inaga dhimatay aynu buuxiino,waa caado Somalidu leedahay,waxana suurto gal ah in dhinaca wax laga dilaa aanu hore u samrin,oo kolley caadifad qabiil iyo aqoon darroba way taallaa.


Haddaba anigu ka eegi mayo dhinaca falsafada iyo Humaagga siyaasadda oo wax la hubo maaha,oo taasi waa sheeko lagu macaaneyo majlisyada ama waa wax maqan oo Qayb ah (Abstract) oo ilahay ogyahay, ee waxan ka eegayaa dhinaca Waaqaca ina hor yaalla ee Runta ah oo baahan keliya in la joojiyo uun dagaalka,wax shuruud ahna aan haba yaraatee lagu xidhin,bulshada qaybeheeda waxa wanaagasan in qof kastaaba doorka uu ku leeyahay ka istaago oo ku howl galo in la joojiyo,horta anigu waxan awoodaa Qoraal waxan leeyahay ha la joojiyo walalayaal,sidoo kale Xukuumaddu waa inay doorkeeda qaadattaa isla markaas waa in lala shaqeeyaa,dadka Social mediaha ka hadla ama wax ku qora waxan odhan lahaa ilahay ka cabsada oo wanaag qora ama ku hadla haddii kale ka aamusa dab ha ku sii shidina,Salaadiinta iyo madax dhaqameedka kaalinta ay ku leeyihiin waa Nabad ee maaha inay wax kala fogeeyaan,waxa xaqiiqa ah haddii loo wada guntado in si dhakhso ah uu u joogsanayo.


Dhinaca qurbe joogta oo ah (Factor) dadka ugu saamaynta badan ee Xumaanta dabada ka riixa,xagga wanaagsan marka ay ka shaqeeyaanna doorkoodu wuu fiicnaadaa waxan odhan lahaa walalayaal,dadka lacagta aad u soo diraysaan iskuullo,xanaanooyin,kayd biyood iyo Horumar ugu sameeya oo ka daaya lacagta aad Landcruiser ka iyo qoryaha ugu iibinaysaan.


Marka ay nabadi dhacdo,ayaa cid la eedayn karaa oo siyaasad iyo arrimehedeeda la falanqayn karaa oo la odhan karaa hebelow khaladkaas ayaad lahayd lkn iyadoo dadka walalaha ahi isku dhimanayaan waxba tari mayso hebelbaa khaldan iyo kan baa la yidhi,waxa muhiim ah oo ilahay aynu naxariis kaga helaynaa in la joojiyo,qof kastaana halka uu joogo nabadda ka shaqeeyo.

Ilaahow Nabad iyo Caano

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...