Arrimahan Sii Adkaadnaye, Maantana Adhigii La Xidhay, Imaraadkii Mashaqaynaye, Aduunku Wuu Baladhanyee
SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-ARRIMAHAN SII ADKAADNAYE,MAANTANA ADHIGII LA XIDHAY,
IMARAADKII MA SHAQAYNAYE,ADUUNKU WUU BALADHANYEE,
OGOLAANSHO KA RAADISAN,ABAHEEN MUU DHALIN MIDNEE,
ISRAIIL KOLAY KU TAHAY,ALBAABO BADAN MAA TUNTAAN.
2-ANFAACI HADDANU JIRIN,HESHISKA IMARAADKA GOY,
ADUUN WAA KALA MACAASH,DANTEENA ILAALIYOO,
EERAAN XOOLAHA U DIRA.AMUURAA DEKEDEENIYO,
SALDHIGIIBA DIB U EEGGA’O,ERAAN IYO XUUTI KEEN.
3-ALLAHEENU SIDUU INA FARAY,HADDAADAN AWOODI KARIN,
XAJKANA LAMA AADAYOO,ADUUNKAAD KU DHOOFILAYD,
INTAAD XAMAR LA AADILAYD,UMMADAN GAAJAYSANIYO,
AGOONTAADIYO MAATIDIYO,ABAARUU KUWA AY HELEEN,
4-IDINKOON KALA EEGAHAYN,DHAMAANTOOD SOO URURIYOO,
ISTICMAAR YEELI MAYNO KALE,ILAAHAY HORTIIS U SIIYA,
ADKAYSTOO OLOLAHA WADOO,SIDEED ARXAN UGA FISHAA,
ABAHAA NACABKII DELDELAY,SIDEE BAAD KU AMMINTAAN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!