Shan carruuruu dhalay (Sheeko gaaban) Qaybta 1aad

0
Saturday June 29, 2024 - 15:36:17 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan carruuruu dhalay (Sheeko gaaban) Qaybta 1aad

    Carruurta sida uu u koolkoolinayo ee uu ula ciyaarayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Carruurta sida uu u koolkoolinayo ee uu ula ciyaarayo


Cumar wuxu ahaa sayigayga waxanu ahayn qoys aad loo majeerto, sida quruxda badan ee aan u noolayn kuna dhisankala danbaynta iyo qaddarinta. Xushmaynta iyo xaq isa-siinta. Is-wanaajinta iyo wadajirka, isla tashiga iyo istaakulaynta. Dhexdayada waxaa yaalay jacayl aad u badan dulqaad iyo danayn badan. Xaafadaha jaarku aadbay noo majeeran jireen. "Ala yaa naga dhiga sida qoyskaas oo kale. Bal eega siday u noolyihiin.?” Ayey odhan jireen Cumar waxa uu ahaa aabbe aad u jecel carruurtiisa iyo anigaba. Wuu noo shaqayn jiray nagamanuu hagran jirin wax kasta oo uu soo helo. Arroortii buu baxaa xilliga cawayskana wuu ka soo noqon jiray shaqada.



Carruurta sida uu u koolkoolinayo ee uu ula ciyaarayo marna casharka ugu dhigayo marna u cashaysiinayo ayay carruurtu luloon jireen hurdana la gataatici dhici jireen. Guriga kamuu bixi jirin ilaa inta uu ubadka ila diyaarinayo markay dugsiyada tagayaan. Carruurta cuntada wuu ila siin jiray Baskana wuu ila saari jiray. Haddii maalmaha qaar basku xumaado isaga ayaa u qaadi jiray dugsiga carruurtiisa.


Maamulka iyo Macalimiinta dugsiyada carruurtu dhigtaan waxay qireen in uu Cumar ka mid yahayaabbayaasha ugu wanaagsan ee carruurtoodu dugsiga dhigtaan. Cumar wuxu ahaa aabbo ka duwan aabbayaasha kale. Aabbe keliya ubadkiisa biilka u soo shaqayn balse og halka ubadkiisu wax u marayaan, halka waxbarshadooda iyo caafimaadkooda guud marayaan, weliba yaqaanna waxa ubadkiisa farxad galiya. Aabbo garanaya waajibaadkiisa aabbanimo keliya in aanay ahayn u shaqaynta biilka ubadkiisa iyo reerkiisa balse ku darsaday daryeelka ubadkiisa iyo u dedaaliddooda. Aabbo soomaaliya Cumar mabaad moodayn!


Wuu ka duwanaa aabbayaasha u haysta biil keliya in la soo shaqeeyo inay farxadda reerkiisa dhammays tirayso. Aadbaan u jeclaa sayigayga iyo ubadkaygaba. Ma wax aan jacayl xad dhaafa loo qaadinbaa sayi sidan ubadkaaga iyo adigaba kuu koolkoolinaya? Aad baan ugu faraxsanaa nolosha aan ku jirno oo aan inbadan ku riyooyin jirtay inaan helo. Waxan raadin jiray inbadan oo aan is odhan jiray, "Toloow ma heli doonaa nin adiga iyo carruurtaadaba koolkooliya oo idin kaalin galiya haddana idin jecel, toloow ma heli doontaa nin ila taliya oo ila tashada, toloow ma heli doontaa nin indhahaaga ka akhrista waxaad rabto?” Waxa ii caddaatay in ay riyooyinkaygii ii rumoobeen oo maantaba, Eebbe gacantayda soo geliyey nin gayaankayga ah weliba i jecel. Waxan markii danbe ku ducaysan jiray "Rabbow ninkayga yaan la iga cawryin oonay gabadhna iga qaadin.”Oo ma anigaa samaysatay ninkan aan ducada u marayo, miyaan wax kale ku ducaysto midda kale ma alaab meel taalaa marka la qaadanayo? Mooyiye, ducaddaasaan gow ka siin jiray inta waagu beryin iyo inta aanu dhicinba. Halkii tasbiixday ii gashay! Bal waxkale oon ku ducaysto miyaan waayey?


Cumar ganacsade, waana loo shaqeeye. Weligiiba waxa uu jeclaa in aanu cid u shaqayn, oo aanuu qayrkii wax ka sugintaasina way u suurowday. Isaga oo aad u yar ayuu ganacsigiisan bilaabay. Waxa ganacsigiisa uga shaqayn jiray dad badan oo rag iyo dumarba iskugu jira. Aad buu ugu wanaagsanaa shaqaalihiisa isku mid ayuu ula dhaqmi jiray iyaguna way jeclaayeen in ay la shaqeeyaan. Shaqaalaha muu kala xigsiisan jirin ee isku si ayuu ula dhaqmi jiray. Midna muu fogayn jirin midna muu soo dhawaysan jirin. Mid kasta xaqa iyo xuquuqdiisa ayuu siin jiray.


Adduunku waa maalinba cayn, farxad iyo murugo, badhaadhe iyo barwaaqo e’, Cumar waxa si kedisa ugu soo booday wadne xannuun aanu hore iskugu ogayn. Laba usbuuc ayuu ku jiray dhakhtarka markii uu soo yara ladnaaday se’ gurigaa la keenay. Gurigaan ku baxnaaninay in muddo ah, wax se’ rejo ah caafimaadkiisu muu lahayn. Maalinba, maalinta ka danbaysa wuu sii tamar darraanayay. Ma tahli karo hadal jalna hadalkiisa daa’. Markii aanu la tashannay dhakhtarkiisii wuxu nagula taliyey in haddii ay suurto gal tahay loo qaaddo dalka dibadiisa.


 

La soco qaybta danbe hadduu Eebbe idmo

W.Q:Faadumo Buuni

Hargeysa,Somaliland

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...