Xayraankii Qaylada Wuxuu Xasan La Booyayay,Xeeba La Iibshiyo Lahaa Xabashi Aan Caydhsho.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
1-Xasan Sheekh Xaraashyo Dhamee,Xoolahii Qaranka,
Xabaalihii Maray Tahay Ma Hadhin,Xaab Kolay Tahay.
2-Xanaaqiisu Waa Xoolo Doon,Xabashiyeey Kaalay,
Xidhiidh Aniga Ila Yeesha Oo,Xamar U Soo Baydha.
3-Xaraabiyo Dagaal Wax Ku Baxay,Xoolo Tira Beela,
Xoogaguu Lahaa Waa Colbuu,Yidhi Xabiib Weeye.
4-Xishood Nimaan Lahayn,Ceebta Wuu Ku Xaragoda,
Xagkastaba U Cararyo,Hadduu Soo Xasilayaaye.
5-Xantiis Fule Ma Moogee,Ogsoon Xuladaduu Daaray,
Xumaantu Dhitaystiyo,Ku Maqan Xaaladu Curiyay,
6-Xasaradah Aduunyada,Ninkii Xoog Leh Baan Baqane,
Isxamuur Isxaydxayd Adiga Oon,Taag Xamila Haynin.
7-Xeegadaba Adoon Dheeli Karin,Looma Xaadiro,
Xiinkii Ugu Horeeya Durbaba,Xerada Jiidheen.
Ismail Abdillahi Handueh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!