Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Uu Khilaaf Ku Gelinayo Doorashooyinka Mudaysan Dhamaadka Sanadkan

0
Wednesday June 26, 2024 - 08:44:33 in News by Abdi Good
  • Visits: 1562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Uu Khilaaf Ku Gelinayo Doorashooyinka Mudaysan Dhamaadka Sanadkan

    Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Uu Khilaaf Ku Gelinayo Doorashooyinka Mudaysan Dhamaadka Sanadkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Uu Khilaaf Ku Gelinayo Doorashooyinka Mudaysan Dhamaadka Sanadkan


Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi ayaa ku dhawaaqay qorshe uu markale khilaaf ku gelinayo doorashooyinka mudaysan dabayaqaada sanadkan 2024.


Muuse Biixi ayaa khudbadiisa ku soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka xisbiyada iyo ururrada siyaasadda ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Madaxweynaha, ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay qodobo la sheegay inay caqabad ku noqon karaan doorashooyinka, taasi oo la xidhiidha nidaamka hubinta codbixiyeyaasha ee sawirka indhaha ee lagu gelayo doorashooyinka xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda.

Wuxuu sheegay in nidaamka sawirka Indhaha uu ku qoran yahay sharciga dastuurka Somaliland, isla-markaana aan laga noqon karin.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu cadeeyay in nidaamka hubinta codbixiyeyaasha ee indhaha lagu geli doono doorashooyinka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in si sharci ah loo qaban doono doorashooyinka dalka ka qabsoomaya 13 bisha November ee sannadkan.

Xisbiyada mucaaradka iyo ururrada siyaasadda, ayuu ugu baaqay in ay u hoggaansamaan sharciyadda doorashooyinka, isla-markaana ay fulintiisa u xilsaaran tahay xukuumaddu.

Nnidaamka hubinta codbixiyeyaasha ee Indhaha, ayaa maalmihii u dambeeyay ay dood xoogani ka taagnayd, taasi oo ay si weyn u diidanaayeen qaarka mid ah xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda.




Loading...
Loading...