Dulqaad Badanow Illaahay,Daayinkaa Madaxnimo Baxsho,Dadkana Lagu Eegayaa,

0
Wednesday June 26, 2024 - 07:40:28 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dulqaad Badanow Illaahay,Daayinkaa Madaxnimo Baxsho,Dadkana Lagu Eegayaa,

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 


 

 

Doorsasho Kuwa Doonaye,Daarta Inuu Fuulo Rabaw,

 

Durbaan Uma Baahnin Iyo,Dadkeenano Laysku Diro,



 

 

Dalkani Wuxu Doonayaa,Dulqaad Iyo Daacadnimo,

 

Dawladnimo Duul Wadi Karaya,Damacodu Hogamino,


 

 

Doodoodu Qabiil Ahayno,Daaweeya Dadkeenii Isnacay,

 

Siyaasi Isku Diray Daraad,Dabooloon Nabaradoda,


 

 

Damqayno Dariiqi Raaca,Daahiriyo Cigaal Ay Dhigen,

 

Duunyo Iyo Lacag Inay Helaan,Dantod Qudha U Iman,


 

 

Dalkeenana Hore Wada,Dunida Tagtay Gaadhi Kara,

 

Diidaaya Hadal Dalab Laho,Dirir Iyo Xumo Beeri Kara,


 

 

Dabiiba Dadkan Kala Fogaday,Isuna Soo Dabali Kara,

 

Diinteenu Siday Faraysoon,Dadkeenu U Siman Yahiin.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...