Munaasibada 64-guurada maalinta xornimada Jamhuuriyada Somaliland ee 26 June 1960.

0
Tuesday June 25, 2024 - 15:00:24 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibada 64-guurada maalinta xornimada Jamhuuriyada Somaliland ee 26 June 1960.

    Sanad guuro wacan reer Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanad guuro wacan reer Somaliland.
May be an image of 1 person, beard and scarf



Intan waa muhiim in aad ogaato.
Sida ku cad xeerarka caalamiga ah (Article I of the Montevideo Convention on the Rights and Duties of States, 1933).

Maxmiyadii Ingiriisku (British Somaliland Protectorate) oo Somaliland daganayd, waxay saddex heshiis oo calaamadinayey xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland la gashay France ???????? oo Djibouti ???????? gumaysanayey, Italy ???????? oo Somalia ???????? gumaysanayey, iyo Boqortooyadii Ethiopia ????????, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

1. Heshiiska kowaad (The Anglo-French treaty) wuxuu dhacay September 1888-kii, heshiiskan waxa wada galay Boqortooyadii Ingiriiska oo daganayd Somaliland (British Somaliland Protectorate) iyo Gumaystihii Faransiiska oo gumaysanayey Djabouti (Côte française des Somalis). Heshiiskan waxa lagu calamadiyey XADKA Jamhuuriyadda Somaliland la leeyahay Jamhuuriyadda Jabuuti.

2. Heshiiska labaad (A series of treaties known as The British-Italian) wuxuu dhacay April 1891 iyo March 1894, heshiiska waxa wada galay Boqortooyadii Ingiriiskan oo daganayd Somaliland (British Somaliland Protectorate) iyo Gumaystihii Talyaaniga oo gumaysanayey Somalia (Somalia Italiana). Heshiiskan waxa lagu calamadiyey XADKA Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay Somalia.

3. Heshiiska sadexaad (The Anglo-Ethiopian treaty) wuxuu dhacay May 1897-kii, heshiiskan waxa wada galay Boqortooyadii Ingiriiska oo daganayd Somaliland (British Somaliland Protectorate) iyo Boqortooyadii Ethiopia. Heshiiskan waxa lagu calamadiyey XADKA Jamhuuriyadda Somaliland la leeyahay Jamhuuriyadda Federalka Ethiopia.

Dhamaan heshiisyadani waxay waafaqsanayeen shuruucda caalamiga ah.

Sanad guuro wacan reer Somaliland.

Qalinkii; Adnan Isaq
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...