Arday aan laylis ka shaqeeya ku kari waayey, Imtixaan ka shaqayn maayaan! Axmed Yaasiin Dool

0
Tuesday June 25, 2024 - 08:32:40 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arday aan laylis ka shaqeeya ku kari waayey, Imtixaan ka shaqayn maayaan! Axmed Yaasiin Dool

    Waxa aan ku idhi, ma xaflad ayaad imanayseen mobilana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan ku idhi, ma xaflad ayaad imanayseen mobilana


Aniga oo shaqadii macallinnimada iska joojiyey, ayaa dugsi dawladeed maamuluhu yidhi ardayda fasallada afraad ku jirta caawi oo wax u dhig, waan ka ogolaaday.

Ardaydii ayaa aan maalintii koobaad Markii aan soo galay u sheegay in aan anigu maadadaa u dhigi doono, waxa aan ku idhi Maanta casharkan qora jadwalkana qaata, oo maalmahaa ku soo tala gala.


Casharkii Markii aan qoray, ayaan fasalka dhex maray, waxa fadhiyey ku dhawaad arday 50 arday ah. Waxa aan arkay ilaa 20 arday aan waxba qorayn, iyo kuwo dhanna mobile ka isticimaalaya dhan wax ka qoraya.

Kuwii mobile-ka isticimaalayey ayaa aan ku idhi, Maxaad wax u qori waydeen? Waxa ay igu yidhaahdeen qalimaan ma sidano, ee waan sawiraynaa!

Waxa aan ku idhi, ma xaflad ayaad imanayseen mobilana waad sidataan, qalimaana ma sidataan?
Toddobaaddo haddii aan wax u dhigayey, waxa aan ugu taag waayey ka shaqeeya layliskan aan idiin dirayo! Saddex fasal oo ay ahaayeen, waxa ka soo shaayeynaya
10 arday wax aan gaadhayn!

Inta aan fasalka ku jiro, waxa aan dareemayey in ay mobile ku jeedaan!
Maalintii dambe arday guddi ah ayaa is raacday, waxa ay iga dacweeyeen maamulihii, iga oo ku leh waxa aan doonaynaa macallinkii hore macallin kan ma rabno!

Waxa aan ogaaday, maamuluhuna ii sheegay, macallinka ay doonayaan ee hore, ardaydii hore ee uu wax u dhigi jiray, in ay maaddadiisu ahayd middii ay ugu hooiseeyeen!

Walaahi maalmihii aan u imid in aan Xataa macallinkaa iga horreeyey hal laylis ka sixi buugaagtoodana waxba layli ku oollin!

Ardayda imtixaanka ka cabanaysaa, wax loogu garaabo oo weyn ilaa hadda ma muuqdaan.
Kuwaa buuqa, rabshadda wadaa, Waa intii aan dedaalin Ardaygii wanaagsanaa ee dedaalay Waa shaqaysanayaa.

Dedaalka ardaydeenu aad iyo aad ayaa uu u hooseeyaa, waana arrin guud weliba aad iyo aad hoos u sii badanaysa, waxba yaan xilliga imtixaanka hadal iyo rabsho lagu beegin.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...