Xulalka Senegal Iyo Algeria Oo Iskugu Soo Hadhay Final-ka Koobka Afrika, Nigeria Iyo Tunizia Oo Laga Takhalusay

0
Monday July 15, 2019 - 14:23:45 in News by
  • Visits: 1851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulalka Senegal Iyo Algeria Oo Iskugu Soo Hadhay Final-ka Koobka Afrika, Nigeria Iyo Tunizia Oo Laga Takhalusay

    Xulalka Senegal Iyo Algeria Oo Iskugu Soo Hadhay Final-ka Koobka Afrika, Nigeria Iyo Tunizia Oo Laga Takhalusay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulalka Senegal Iyo Algeria Oo Iskugu Soo Hadhay Final-ka Koobka Afrika, Nigeria Iyo Tunizia Oo Laga Takhalusay

 


Xulka Algeria ayaa buukintay booskooda finalka Koobka Qaramada Afrika ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen xulka Nigeria kulankii semi-finalka iyadoo Riyad Mahrez uu dhaliyay goolka guusha waqtigii dhimashada ciyaarta.


Algeria ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 40aad ee qeybtii hore markii uu gool iska dhaliyay xiddiga NigeriaWilliamTroost-Ekong.




Laakiin Nigeria ayaa barbareysay ciyaarta daqiiqadii 72aad markii rigoore loo dhigay uu gool u sarifayOdionIghalo. Iyadoo ay u muuqato in ciyaarta 30 daqiiqo dheeri ah lagu darayo ayay Algeria heshay goolka guusha waqtigii dhimashada ee daqiiqadii 92aad.


Riyad Mahrez ayaana goolka guusha u saxiixay xulka Algeria oo u soo baxay finalka Koobka Qaramada Afrika iyadoo markii ugu danbeysay ee ay koobka qaadaan ay aheyd sannadii 1990.


Waxa ay finalka haatan isku arki doona xulalka Senegal iyo Algeria oo noqoneysa ku celiska kulankoodii wareega group-yada markaasoo ay Algeria 1-0 ku badisay. Finalka waxaa la ciyaari doonaa 19ka bishaan oo ku beegan maalinta Jimcaha.

Loading...
Loading...