02. Sidee Loola Tacaalaa Hilmaanka?

0
Sunday June 23, 2024 - 15:31:33 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    02. Sidee Loola Tacaalaa Hilmaanka?

    7. Afkaar Aan Kula Tacaali Karno Hilmaanka:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

7. Afkaar Aan Kula Tacaali Karno Hilmaanka:



02. Sidee Loola Tacaalaa Hilmaanka?

 

Liidashada Xusuusta Ayaa Noqon Karta Jirrada Sebenka, Badankeenuna Si Uun Ayuu Ula Rafaadsan Yahay. Haddaba, Aniga Oo Kaashanaya Waayo-Aragnimadayda Shakhsi Ahaaneed Iyo Xogta Maqaallo Dad Khuburo Ah Qoreen, Ayaan Doonayaa Inaan Halkan Ku Soo Tebiyo Isku Deyga Sidaan Ula Tacaali Karno Caqabadan, Taasoo Nagu Ridday —Welina Noo Horseeda, Dhibaatooyin Kala Heerar Iyo Noocyo Duwan:

 

1. Tababbarka Xusuusta:

Xasuustu Waa Sida Muruqa Oo Kale, Haddii Aan Loo Jimcin Waad Luminaysaa; Sidaas Owgeed Waa Inaan Si Joogto Ah U Tababbarnaa Xusuusteena, Innaga Oo Adeesanaya Qaabab Iyo Tabo Kala Duwan.

Waxaan Kuu Soo Jeedinayaa Seddex Arrimood Oo Innaga Caawin Karta Inaan Tababbarno Xusuusteena:

B. Inaan Barano Wax Cusub; Sida Ciyaar [Game], Ama Luuqad Cusub.

T. Barashada Wax Aan Dareemeyno Inay Sameyntiisu Nagu Adag Tahay. Isku Dayga Oo Bata Ayaa Horumarin Doona Xusuusteena.

J. Isku Day Inaad Rakibto Walxaha U Baahan In La Isku Xirxiro, Adiga Oo Aan Cidna Caawimaad Ka Helin. Waan Ku Dhibtoon Doonaa Bilowga Hore, Se Baran Doonaa, Kadib Xusuusanaynaa.

 

2. Jimicsiga:

Jimicsigu Wuxuu Naga Caawinayaa Inuu Kor U Qaadmo Heerka Oksijiinta Maskaxda, Wuxuuna Yareynayaa Carqaladaha Keena Habacsanaanta Xasuusta.

 

3. Hurdada Qumman:

Waxaan U Baahanahay Inaan Seexano Sideed Ilaa Sagaal Saacadood, Wixii Intaas Ka Yarna Waxay Sababi Doontaa In Xusuusteenu Goor Hore Seexato. Goor Hore.

Haddaba, Waa Inaan Iska Ilaalinaa Shaashad Kasta, Saacad Ka Hor Inta Aynan Seexan. Iftiinka Buluuga Ah Ee Shaashadaha Ka Soo Baxaya, Wuxuu Keenaa Soo Jeed, Wuxuuna Is-Hortaagaa In La Soo Daayo Dheecaanka [Hormoonka] Melatonin, Kaasoo La Soo Daayo Goorta Hurdo Na Qabato. Badankeen Ma Helno Hurdo Nagu Filan, Waxaana Sabab U Ah Aaladaheena Casriga Ah, Ee Xaday Hurdadeena, Tamarteena Iyo Xusuusteena.

 

4. Jaalka Wanaagsan‎:

Daraasaduhu Waxay Caddeeyeen In Saaxiibadeenu Ay Kordhiyaan Waxqabadka, Tamarta Iyo Firfircoonida Xasuusteena.

 

5. Cunnooyinka Xasuusta Xoojiya‎:

Waxaan Ku Xoojin Karnaa Xusuusteena Noocyo Gaara Oo Cuntada Ka Mida, Sida: Miraha, Khudradda, Kalluunka, Saliid Saytuunta, Lowska, Faasuuliyadda Ama Digirta Iyo Shaaha Cagaaran.

 

6. Xifdinta Qur’aanka:

Dadkaan La Kulmay Ee Xifdisan Kitaabka Eebbe, Siday U Badan Yihiin Waa Dad Ku Tilmaaman Xasuus Dheer Iyo Maan Xoogan. Waxaana Halkaa Ka Dheehan Karnaa, Saamaynta Uu Qu’aanka Barakaysan Ku Leeyahay Xasuus Adeegooda.

 

7. Afkaar Aan Kula Tacaali Karno Hilmaanka:

B. U Adeegsiga Borogaraamka (Calendar‎)-Ka Ee Ku Jira Taleefanadeena, Ku Diiwaangelinta Balamaheena Iyo Waxqabadkeena Maalinlaha Ah.

T. In Aynaan Ku Kaaftoomin Magaca Oo Kaliya Markaan Lambar Xareysanayno. Waxaa Wanaagsan Qofkaaan Lambarkiisa Xareysanayno Inaan Sawirkiisana —Haddii Aan Helayno, Raacino. Sidoo Kale Aan Gelino Dhammaan Xogaha Aan Ka Hayno, Si Aynan U Hilmaamin Haybtiisa. Tusaale Ahaan: Waxaynu Qoreynaa Magaciisa Iyo Haddii Uu Naaneys Leeyahay, Ama Waxaan Isku Qabanaynaa Magaciisa Iyo Waxa Uu Qabto Amaba Wax Tilmaamaya Meeshii Aad Ku Kulanteen. Sidaasina Waa Si Aanan Markuu Maalin Maalmaha Ka Mid Ah Inna Soo Waco Aynan Ugu Jawaabin "Waa Kuma?”

J. Ka Faa’iidaysiga Borogaraamka (Notes)-Ka Ee Ku Jira Taleefannadeena; Si Aan Ugu Daabacno Fikrad Ama Mawduuc Kasta Oo Nagu Soo Kordha Inta Uusan Hawadaa U Xulin.

 

 

Magaca Buugga:

— Carabi: غدا أجمل

— Soomaali: Berri Bilicsan

 

Qoraaga: Cabdalla Al-Maqluuth

Turjume: Yoonis Baarri


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...