Saaxiibkay U akhriya dhambaalkaan:

0
Sunday June 23, 2024 - 11:36:06 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saaxiibkay U akhriya dhambaalkaan:

    Saaxiib, haddii aad doonayso inay noloshaadu ahaato ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saaxiib, haddii aad doonayso inay noloshaadu ahaato ...

Saaxiib, waan ogahay nin adkaysi leh inaad tahay,waan kuu qirsanahay inaad wanaag jeceshahay oo dadka aad u wanaag samayso. Saaxiib, shakhsi dadaal badan oo karti iyo wax qabad leh ayaad ee dadaal dheeraad ah muuji saaxiib kuna dadaal sidii aad laba nololood (Aakhiro iyo adduunba) aad ku guulaysan lahayd,Illaahay (SWT) dadka dadaala wuu garab galaa.


Saaxiib wixii aad quudan lahayn Allaah ayaa kuu meeleeyay(oo ma jirto cid calafkaaga cunaysa) ee si dhiiranaan leh u ilaali waajibaad Illaahay (SWT) ay salaaduhu ugu horreeyaan. Mid kale ogow saaxiib, qofkii salaadiisu hagaagto acmaashiisa kale oo idil way hagaagayaan idan Alle.

Saaxiib, ku qanac qaddar Alle (SWT),wax walba waxay ku dhacaan doonistiisa.
Haddii aad waydo wax aad rabtay laga yaabe inay shar kuu ahaayeen,haddii aad la kulanto wax aanad jeclaysana laga yaabe inay khayr kuu ahaayeen.

Saaxiibkayoow, sida aad iila saaxiibtay oo kale ola saaxiib Qur'aanka kariiim ka ah,waxaan qirsanahay Qur'aanku inuu yahay saaxiibka kaliya ee iga fiican, waa saaxiib aanad sheekadiisa ka caajisay ankee haddii aad kumanyaal jeer akhriso, waa saaxiib kuu soo bandhigaya balan qaad aan laga baxay oo sida ugu fiican loo oofin doono,waana saaxiib dantaada iyo maslaxadaada ka shaqaynaya mar walba.

Saaxiib, haddii aad doonayso inay noloshaadu ahaato mid ifaysa akhris akhriskaaga iyo baadhitaankaagu ha badnaadaan,la sheekaysiga waayeelkuna waa kuu muhiim.

Saaxiibkayoow, waayahaagu haku mashquuliyaan jeer aad danaha dadka kale ku mashquuli lahayd,ku mashquulka dadka kale wax qabad kuu dhaama ayaa jira saaxiib
W/Q: Ahmed Qasaali
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...