Wasiir Ka Shifay Wax Qabad La'aanta Xukuumada Muuse Biixi.

0
Friday June 21, 2024 - 17:33:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Shifay Wax Qabad La'aanta Xukuumada Muuse Biixi.

    "Tani ayaana sababi karta in doorashada Somaliland fooda ku soo haysa…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tani ayaana sababi karta in doorashada Somaliland fooda ku soo haysa…"

 

Hargaysa (HWN) Ex. Wasiir Maxamed Cilmi oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumada Muuse Biixi ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa aanay waxba ka qaban deeganada uu ka soo jeedo mudadii ay talada dalka hayeen.

 

"Kulmiye balamihii uu la galey bulshadda degaankayga waxba kama fulin, maantoo laga joogo 7 sanno wixii aan shaley sheegayey dadku igama dhageysanayaan ee talo ayaan kula noqonaynaa bulshadda aanu matalno." Ayuu yidhi Wasiir ku xigeen horre Maxamed Cilmi.

 

Xukuumada Muuse Biixi iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa dadka siyaasada Somaliland udhuun daloolaa ku doodayaan inaanay ku guulaysan balan qaadka qodobo door ahaa oo ay ku galeen doorashadii hore.

 

Tani ayaana sababi karta in doorashada Somaliland fooda ku soo haysa uu ku guuldaraysto xisbiga Kulmiye.


Loading...
Loading...