Gacan-Libaax Raad Gadasho Noqon Mayso Q.5aad ( Abdi-Shotaly).

0
Friday June 21, 2024 - 13:24:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gacan-Libaax Raad Gadasho Noqon Mayso Q.5aad ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Beenti Fakataay Maxaad Rasamaal Saaka Haysaa, Adays Rogayee.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Beenti Fakataay Maxaad Rasamaal Saaka Haysaa, Adays Rogayee.



Akhristaw waxaad hore aad u soo aragteen 4tii qaybood ee aynu soo dhaafnay, imika waxa aynu bilaabi doonaa taxanahan Qa6btiisii 5aad ee lu soo dhawaw.

 

(1) 9/Nov/2018 waxay ahayd maalintii s/land uu ku dhacay dawacii siyasadeed ee ugu waynaa, maalin-taas waxa lagu dhawaqay gogosha nabada qayaad & Ba-hararsame in la dhigi doono jigjiga daroodna uu dhexdhexaadin doono, askariga & xukumadii-suna way dawanayeen, waxna kamay qaban inta ay maanta leeyihiin darood ayaa ina soo weeraray.

2. 24/Nov/2018 waxa safar ku tagay gobolka sool Askariga "Xaafad-Tooyadda"waxa lagu soo dhaweeyay magalada laascanood, ka dib wuxuu salaan kaga qatay ciidanka milatariga goobta loo yaqaano diyaarada, halkaa waxa ka dhacday qiso qayb wayn ka ah fashilkii ciidanka qaranka, nuux taani wuxuu ku diyaariyey goobtaa, ciidan milatari ah oo ka koobnaa laba guuto, tiro ahaana labada guuto waxay isku noqdeen 400 oo askari iyo labatan tikniko ah, laakin masiibada dhacday waxay tahay, taliye nuux taani wuxuu ku sheegay ciidankii hal guuto inuu yahay tiro ah 400oo uaskari iyo labatan tikniko ah.

Labada guuto ee laysku daray waxa la odhan jiray guuto birjeex iyo guuto hilaac.

 

Nasiib daro dagaalkii laascanood mudo markii uu soconayey, Askarigu wuxu soo waydiiyey nuux taani su'aashan ( imisa guuto ayaa degan tuko raq). Wuxuu ugu

Jawaabay 21 guuto ayaa degan tuko rag, oo mid-kiiba yahay 400 oo askari.

Askarigu wuxuu ku amray nuux in uu 7 guuto ka mid ah laga soo raro Tuko Raq laguna soo xoojiyo laascanood. Nuux wuxuu la hadlay Faysal Cabdi,l bootaan, waxanu u sheegay in muuse biixi soo amray 7 guuto in laga soo raro Tuko Raq laguna soo xoojiyo ciidanka laascanood, laakin faysal botaan wuu diiday amarkaa.

 

Nuux taani wuxuu u sheegay muuse biixi in faysal diiday in la soo raro 7 guuto, ka dib muuse biixi wuxuu toos ula hadlaysa faysal botaan, salaan ka dib wuxuu waydiiyey faysal su'aashan, ( imisa guuto ayaa degan Tuko Raq, faysal wuxuu ku jawabay 21 guuto ayaa degan , muuse wuxuu ku yidhi faysal 21 guuto, oo guuto waliba ay ka koban tahay 400 askari iyo labatan tikniko ah, wuxu ku yidhi, waa ciidan culus wanaad ka marantaa 7 guuto , halkaa markay marayso faysal botaan ayaa ku yidhi muuse sidaa maha madaxwayne, guutadu waxay ka kooban tahay 120 askari iyo sideed gaadhi halkaa waxa ka soo baxay is qardhaaf waali ah, oo wixii Nuux Taani u sheegay Ina biixi ay been noqdeen.Sidaa awgeed ayuu muuse ku yidhi faysal, 21 guutaba dib u soo rar, sidaa ayey kaga soo gureen Tuko Raq khiyanada intaas leegna waxa sameeyay Nuux Taani.

 

* N.B Beenti Fakataay Maxaad Rasamaal Saaka Haysaa, Adays Rogayee.

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...