Madaxweyne Donald Trump Oo Banaanka Soo Dhigay Fikradaha Xun Ee Uu Ka Qabo Dalal Soomaaliya Ku Jirto

0
Monday July 15, 2019 - 13:07:16 in News by
  • Visits: 2408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Donald Trump Oo Banaanka Soo Dhigay Fikradaha Xun Ee Uu Ka Qabo Dalal Soomaaliya Ku Jirto

    Madaxweyne Donald Trump Oo Banaanka Soo Dhigay Fikradaha Xun Ee Uu Ka Qabo Dalal Soomaaliya Ku Jirto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Donald Trump Oo Banaanka Soo Dhigay Fikradaha Xun Ee Uu Ka Qabo Dalal Soomaaliya Ku Jirto


Inkasta oo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid diiran, islamarkaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, ayaa haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha uu madaxweynaha Maraykanka ka qabo Soomaaliya.

.


Inkasta oo uusan toos u magacaabin, haddane Donald Trump ayaa laga soo xigtay hadalo ay warbaahinta adduunka aad u faafisay oo uu ka sheegay afar xildhibaan oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar, oo asal ahaan ka timid Soomaaliya.


Mid ka mid ah xildhibaanada oo ah Ms Ocasio-Cortez ayaa ku dhalatay isbitaal ku yaala degmada Bronx ee New York, halkaas oo qiyaastii 12 mile u jirta meesha uu Donald Trump ku dhashay.


Trump ayaa xildhibaanadan dumarka ah u sheegay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, islamarkaasna ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka heysta.


Wuxuu yiri "Waa arrin xiiso leh in aan aragno xildhibaanada dumarka ah ee xisbiga dimoqoraadiga, kuwaas oo asal ahaan ka yimid dalal dowladahooda ay gebi ahaanba yihiin kuwa masiibo ah, oo musuqmaasuq hareeyay, ahna kuwa ugu xun ee adduunka ka shaqeeya, in hadda dadka reer Ameerika oo ah kuwa ugu awoodda badan adduunka ay u sheegeen sida wax loo maamulo".


Wuxuu Trump intaas ku daray in marka hore ay soo hagaajiyaan dalalkii ay ka yimaadeen.


Balse afarta dumar ee la sheegay in uu hadalka ula jeedo, saddex ka mid ah waxa ay ku dhasheen Maraykanka, marka laga reebo Ilhaan Cumar oo iyada oo yar Soomaaliya ka tagtay.


Ilhaan oo u jawaabtay Trump ayaa sheegtay in ay u dhaaratay qaranka Maraykanka iyo sidii ay uga difaaci lahayd wax ay ku tilmaamtay 'madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badnaa ee soo maray".


Madaxweyne Trump ayaa sannadkii hore dalalka Afrika iyo kale ku tilmaamay kuwa 'Gudaafad ah', hadalkaas oo ay ka dhalatay caro badan.


Sidoo kale Soomaaliya waxa ay ahayd dalka kaliya ee Afrikaanka ah ee maamulka Trump uu kusoo rogey mamnuucista xagga safarka, isaga oo lagu eedeeyay in ay fadhiisimo u yihiin kooxo argagixiso ah.


Dowladda Soomaaliya ayaanan ka jawaabin hadalka cusub ee loo tiiriyay madaxweynaha Maraykanka.


Balse wasiir ka tirsan jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhowaaqday ee Somaliland ayaa bartiisa Twitter-ka ugu jawaabay Trump, wuxuuna sheegay in uu ku raacsanyahay Trump aragtidiisa ah in dowladda Soomaaliya ka jirta ay tahay mid musuqmaasuq ah.


Maxamed Daahir Axmed ayaa ah wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland.




Source:-BBCsomali

Loading...
Loading...