Gacan-Libaax Raad Gadasho Noqon Mayso Q.4aad ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday June 20, 2024 - 19:39:22 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gacan-Libaax Raad Gadasho Noqon Mayso Q.4aad ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Askari Maamul Loo Dhiibay,Waa Dameer Malab La Saaray!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Askari Maamul Loo Dhiibay,Waa Dameer Malab La Saaray!

No description available.



Muwaadin, hore waxaan idiinku soo dhigay 3ddii qaybood oo taxane ah, tanina waa qaybtii 4aad ee ku soo dhawaw
Waxan qaybtan ku billaabi doonaa haddiiAlle raali ka ahaado xasaradihii, dagaaladdii, dhibaatooyinkii iyo xasaradihii ay u geesteen ama soo gaadh--siiyeen ummadda iyo S/Land ee iga hooya.

(1) Kornayladii calan casta ee aaminsanaa:- In xoog lagu muquniyo beelaha darafyada
S/land, madama aaney ka mid ahayn halgankii wadanka lagu xoreeyay ee ay ka mid ahayeen dawladii siyaad bare, waxay weerar xasuuq shacab ah ay ku qadeen gobolka awdal, magalada boorame 4/feb/1991, waxaney ku layeen dad shacab ah oo tiradooda lagu qiyaaso 700 ( todoba boqol) oo qof, kuwaas oon wax danbi ah cidna aan u gaysan. Isla sanadkaa waxay weerar ku qadeen magaalooyin badan, waxaney ku dileen dad ka badan 500 (shan boqol)..

Labadaa dhacdo markay dhaceen, ka dib waxa u suurta gashay maamulkii SNM in shir nabadeed & aayo ka tashi ay isugu kenaan dhamaan qabaa'ilka degan s/lsnd.

Shirkaa oo 5/May/1991 ka furmay magalada burco, waxa isku laab xaadhay, si fiicana ugu heshiiyay dhamaan beelaha S/Land, waxaney ku heshiiyeen xornimadoodii ay tureen lixdankii in ay dib ula soo noqdaan dawladoodii S/Land, in ay dib u wada dhistaan 18/May/1991.Waxa kale oo lagu heshiiyey in maamulka ururka SNM & golaha dhexe ee SNM, dib loo doorto mudo laba sano ah iyaga oo isu bedalaaya gudomiyaha & ku xigeenkiisu madaxwayne & ku xigeen S/Land, golaha dhexena wuxuu isu bedelayaa golaha wakiilada S/Land mudada labada sano ahna ay soo diyariyaan nidamkii dawladeed ee S/land & shuruucdii dalka lagu maamuli lahaa.

(2) Calan cas waxay aad uga cadhootay markii shirkii beelaha s/land ee burco dib loogu doortay c/raxman tuur in uu noqdo madaxwaynaha kobaad ee s/land mudo laba sano ah.
Calan cas markiiba waxay qorsheyeen sidii dagaal uga dhex bilaabmi lahaa beelaha reer sheekh isaxaaq iyaga oo ka faa,iiday sanaaya Aminadii shacabka ay ka heleen xiligii halganka SNM ee wadanka lagu xoreeyay.
(3) Calan cas waxay dagaal ka dhex bilabeen labada belood ee Garxajis & H/jeclo magalada burco 1992 dagaalkaa waxa hoganka u hayey kornaylada calan cas oo lasoo kala saftay labadii ciidan beleed ee dagalamaayey, lamana arag kornaylo wada socda oo kasoo horjeeda dagaalkaa .

(4) Dagaalka burco ka dhacay waxa qorshihiisa dajiyey oo lahaa kornayl maxamed kaahin oo markaa ahaa wasiirka gashan dhiga s/land ee xukumada c/raxman tuur, waxanu noqday wasiirkii ugu horeeyay ee iska casila xilkii qaranka , isuna bedelay kornayl beleed hogaminaaya ciidanka beshiisa, waxa kale oo is casilay dhamaan xubnihii kale ee ay isku beesha kasoo jedeen maxamed kaahin ee xilka ka hayey xukumada c/raxmaan tuur, kuwaas oo isugu jiray wasiiro , w/k/xigeeno, agasimayaal, iwm.

(5) Calan cas waxay mar kale magalada berbera ay ku qorsheyeen sidii ay isugu dhufan lahayeen H/yoonis iyo ciise muuse waxaney dagaal ka rideen magalada berbera waxa deganaa magalada berbera ciidan beleedkii h/jeclo oo ka guuray burco lakin waxa nasiib daro ah ciidanka beesha h/jeclo muu noqon ciidan kala dhex gala ciidamada labada belood ee berbera isku dilaaya lamana arag kornaylo diidan dagaalka oo nabada ka talinaaya, sidoo kale lama arag siyasiyiin ka hadlaysa , laakin waxa la arkay kornayladii calan cas & siyasiyiintii calan cas oo dhamantood c/raxman tuur ku eedynaaya dagalkii burco & dagalka berbera, taas oo khalad dagaal sokwwye abaabul ku kaceen, dagaal-kaas oo ujeeda-diisu ay ahayd siddii ay Xukunka u booby lahaayeen, tiina aynu hayno cidhibteeddii maanta.

* N.B Askari Maamul Loo Dhiibay,Waa Dameer Malab La Saaray!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...