Muxuu Yahay Bahdilaada Lagula Kacay Suldaanka Beelaha Isaaq?.
"Waxaana ka dhashay xadhiga siyaasigan mudaharaad ay dhigeen dadkii doonayay…"
Hargaysa (HWN)
Suldaanka guud ee Beelaha Isaaq Suldaan Daa’uud ayaa sheegay in xukuumada Muuse
Bahdishay.
"Waa La’i bahdilay
oo Qarankii Aan Tuutaha U Xidhay Ayaa Laygu Qiimayn Waayay Oo Laygu Bahdilay
Madaarka Hargeysa” ayuu Suldaan Daa’uud yidhi.
Suldaanka ayaa kamid
ahaa masuuliyiin saaka rabay inay ku soo dhaweeyaan garoonka diyaaradaha
Hargaysa, siyaasi Cismaan Cumar Dool oo xukuumada Muuse Biixi ka xidhay
madaarka markii uu soo degay.
Waxaana ka dhashay
xadhiga siyaasigan mudaharaad ay dhigeen dadkii doonayay inay soo dhaweeyaan
siyaasiga la xidhay, waxaanay ciidamada Booliska Somaliland u adeegsadeen
mudaharaadkaasi rasaas.
Loading...
Loading...