Faysal Oo War Ka Soo Saaray Xadhiga Siyaasi Cismaan Cumar Dool.

0
Thursday June 20, 2024 - 17:06:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Oo War Ka Soo Saaray Xadhiga Siyaasi Cismaan Cumar Dool.

    "Shacbiga Hargaysa waxaan u sheegaya inaCumar Dool iyo Taageerayaashiisu…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shacbiga Hargaysa waxaan u sheegaya inaCumar Dool iyo Taageerayaashiisu…"

 

 

Hargaysa (HWN) Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa soo dhaweeyay xadhig xukuumada Muuse Biixi kula kacday siyaasi Cismaan Cumar Dool, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

 

Faysal ayaa isago oo xukuumada Muuse Biixi ku taageeraya xidhiga siyaasigan yidhi.

 

"Xadhiga ina Cumar Dool, waxaan u arkaa in ay tahay badbaadadisa, ninkaasi shacbiga Somaliland Beel walba wuu aflagaadeeyay si ka baxsan dhaqankeena suuban iyo dhaqankeena islaamka, madaxda xisbiga KULMIYE iyo aniga shakhsi ahaanba si fool-xun ayuu noo aflagaadeeyay.

aniga dhawaan ayuu I aflagaadeenayay, markaa haddii aan sharciga lagu kala baxsan oo qofkii sameeya magac-dil aanu sharcigu qaban dee suuqa ayaa la isku dilayaa, marka maanta waa badbaadadiisa.

Shacbiga Hargaysa waxaan u sheegaya inaCumar Dool iyo Taageerayaashiisu ma xidhi-karaan Madaarka Hargeisa” ayuu yidhi.

 

Siyaasi Cismaan ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha Hargaysa oo uu ka soo degay.

Faysal oo ah siyaasi aanay degenayn siyaasadiisu ayaa beryahan dambe umuuqda inuu ku dhacay gacan xukuumada Muuse Biixi, halka bilo ka hor uu dhaliilo culus ujeedin jiray Kulmiye iyo Xukuumadiisa.

 

Weli xukuumada Somaliland kamay hadal xadhiga siyaasi Cismaan Cumar Dool.



May be an image of 1 person and text

Loading...
Loading...