War Degdeg Ah: Siyaasi Cismaan Cumar Dool Oo Lagu Xidhay Hargaysa.
Hargaysa (HWN) Siyaasi Cismaan
Cumar Dool oo ka tirsan saraakiisha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta
lagu xidhay Magaalada Hargaysa.
Cismaan oo katagay
qurbaha gaar ahaana Filand ayay ciidamada Booliska Somaliland ka qabteen
garoonka diyaaradaha Hargaysa.
Waxaana garoonka ka
dhacay mudaharaad kooban oo lagaga soo horjeedo xadhiga siyaasi Cismaan Cumar
Dool.
Weli xukuumada
Somaliland war kamay soo saarin xadhiga Siyaasi Cismaan Cumar Dool.
Waxa isagu xadhiga siyaasigan
soo dhaweeyay gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo sheegay in xadhigani ay dan ugu
jirto Cismaan, maadaama ayuu yidhi uu siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye iyo UCID uu
aflagaadayn jiray.
Cismaan Cumar dool ayaa
ah siyaasi inta badan dhaliila xukuumada Muuse Biixi iyo habdhaqankeeda,
waxaanu qoraalo uu ku dhaliilayo uu ku qori jiray baraha Bulshada.