Gacan-Libaax Raad Gadasho Noqon Mayso Q.3aad ( Abdi-Shotaly)

0
Wednesday June 19, 2024 - 12:25:05 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gacan-Libaax Raad Gadasho Noqon Mayso Q.3aad ( Abdi-Shotaly)

    Calan cas waxay kasoo jedaa beesha isaaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Calan cas waxay kasoo jedaa beesha isaaq
No description available.



Waxa aynu hore cagta ugu soo dhufanay qaybihii 1aad iyo 2aad oo aan ku soo dul marnay, wixii dgacay. Maanta waxa aynu qaadaa-dhigi doonaa waxa loo yaqaano " Calan-Cas", waxana aynu ku bilaabaynaa "
Waa Ayo Calan-Cas ? Jawaabtu waa tane hoose ka akhriso iyo waxay ay u taagan yihiin.
Calan cas waa group isugu jira saraakiil & siyasiyiin oo ka mid ahaa ururkii SNM halgankana qayb ka ahaa , laakin aaminsan halganka ururka SNM in ay leeyihiin kana leeyihiin sarakiisha & siyasiyiinta kale SNM ee halganka kula jira.

(a) Calan cas waxa la aas aasey 1984
(b) Calan cas waxay kasoo jedaa beesha isaaq
(c) Calan cas waxay aamin santahay talada SNM ama s/land in aaney ka bixin gacanta beesha isaaq.
(d) Calan cas waxay aaminsan tahay beelaha kale ee s/land degan laakin aan ku jirin halganka ururka SNM in ay noqdaan loo taliyayaal , sida beesha isaaqba loogu taliyo dawlad deganka somalida ethopia.
(e) Calan cas waxay aaminsan tahay talada s/land in aan loo dhiibin nin aan ahayn ururka SNM sida TPLF ay gacanta ay ugu hayso talada ethopia SNM ugu hayso.
(f) Calan cas waxay aaminsan tahay cidii kasoo hor jeesata fekerkooda inay somali wayn tahay koonfur dib inoogu celinaysa.
(g) Calan cas waxay aamin san tahay in la wayneeyo munasabada 18, may ee lasoo noqoshda madax banaanida s/land laakin ma aamin sana in la wayneeyo xuska malinta xoriyada s/land 26,june,1960 taas oo asal ah.
(h) Calan cas waxay aamin san tahay cid kasta oo ka hortimaada fekerkooda in loo adeegsado cudud ciidan khasatan beelaha faqash ka hadhka h ee aan halganka ku jirin.
(i) Calan cas waxay aamin san tahay qaybi oo xukun & qabiilba qabiil in lagu dhufto si ay ugu dhex noladaan colaada ka dhalata beelaha dhexdooda dadkuna aaney ugu midoobin.
(j) Calan cas waxay aamin san tahay cid kasta oo fekerkooda khatar ku ah in ay shirqoolaan si fiicana isaga basriyaan.
(k) Calan cas waxay aamin san yihiin in ay qabaa,ilka u isticmalaan hub ay kula dagalamaan cid kasta oo ka feker duwan iyaga oo isu qaybinaya beelaha ay kasoo kala jedaan kuna dhex dhuumanaaya laakin iyagu hoosta ka wada socda.

Akhristaw ma cas-casa oo weli faanoole fari kama qodna arimahay wadaan askartu ee ay ka mid yihiin dhibaa-tooyinka ay dalka u geysteen ilaa maalintii la soo galay ilaa maantadana ay ku hayaan, waxanse ku soo ban-dhigi doonaa qaybaha dambe ee soo socdda, ee kala xidhiidh war-baahinta Sidda Hadhwanaagnews iyo YouTube-ka iyo Faceboogga..

La soco Q.4aad
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...