Iftiin Umudeenu Nasiib U Yeelatay

0
Monday June 17, 2024 - 10:56:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Iftiin Umudeenu Nasiib U Yeelatay

    "Xushmad & Karaamo Ayuu Mudan Yahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xushmad & Karaamo Ayuu Mudan Yahay"


Waxa aan manta nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo bulsho wayn muslimiin ah oo salaadii Ciidul-Adxa ku tukatay Masjidka Jaamacadda Quraanka ee Jigjiga-yar gaar ahaan Xaafada Sacada-diin ee magaalada Hargaysa.

Waxa si gaar ah ii soo jiitay khudbadii Ciida ee uu maanta halkaas ka jeediyay Dr. Sheekh Siciid Maxamed Faarax oo ahayd qudbad diyaarsan, wacyiga la socotay, taabatayna quluubta jamaahiirtii muslimiinta ahayd ee nasiibka u yeelatay inay dhagaysato.


Dr. Sheekh Siciid waxa khudbadiisa laga dheedhan karay fahanka durugsan ee uu u leeyahay diinta iyo sida uu ugu saleeyay waaqica bulsho ee maanta dalkeena yaala, waxa uu isku tolay masalooyin diini ah oo xujo, waano,digniin iyo naseexaba xambaarsan, iyo gudboonayaal kale oo ka tarjumayay hab-nololeedka dhabta ah ee bulshadeena.

Tusaaleyaasha ayaa daadajiyayaal u ahaa kolba mawduuca uu Sheekhu ka hadlayay, waxana aan qirayaa in qofwalba oo ku sugnaa maanta Masjidkan oo ka bogtay khudbadiisa, kana dhaxlay fahan dhaw, dhab ah, ku dhaqankiisuna uu sahlan yahay.
May be an image of 10 people and text


Waxa aan Tusaale u soo qaadan kaaraa in Dr. Sheekh Siciid, marka laga yimaad, mudnaanta maalinta Ciidul-Adxa, uu bulshada ku guubaabiyay in la is cafiyo, lagana dhawrsanaado kala-fogaasho bulsho oo ka dhasha dhawaaqyada & dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah ee dalka ka socda. Dr. Sheekh Siciid, waxa uu gun dhig uga dhigay qodobkan in la badiyo cafiska iyo isa-saamaxa mar walba, mar hadii siyaasadu iska tahay mid qardajeex badan, loona arko dalku in uu mid yahay, umadeenuna ay tahay mid qudha oo wadaagta wada-dhalasho, islaanimo, iyo dhaqan sokeeye oo aan sinaba u go’ayn.

Dr. Sheekh Siciid Maxamed Faarax Eebe (SW) miisaanka xasanaadka ha ugu daree oo ka mid yahay culumada waawayn ee umada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Somaliland, waa nuur iyo iftiin isku lamaan oo ay umadeenu heshay, waa mulkiyad dhab ah oo uu Eebe SW si gaar ah ugu deeqay dadkeena, caalim & cabqari huwan akhlaaqdii islaamka, dhaqan-yahan xog-ogaal u ah hab-nololeedka bulshadeena, iyo tusaale nool oo ka tarjumaya sida ay diintu u tahay mida kaliya ee maslaxada bulshadeena oo dhan ay ku duugan tahay.

"Xushmad & Karaamo Ayuu Mudan Yahay”

Axmed Muumin Seed
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...