Maxaa Baajiyey Bandhig Faneedkii Uu Fanaanka BK Ku Qabanayey Magaalada Nairobi?

0
Monday July 15, 2019 - 00:14:34 in News by
  • Visits: 5688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Baajiyey Bandhig Faneedkii Uu Fanaanka BK Ku Qabanayey Magaalada Nairobi?

    Maxaa Baajiyey Bandhig Faneedkii Uu Fanaanka BK Ku Qabanayey Magaalada Nairobi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Baajiyey Bandhig Faneedkii Uu Fanaanka BK Ku Qabanayey Magaalada Nairobi?

Nairobi(HWN):-Fanaanka Maxamed Siciid BK oo ka mid ah fanaaniinta reer somaliland ayaa ku guul daraystay inuu bandhig faneed ku qabto magaalada Nairobi oo uu hada ku sugan yahay.


Sida ay sheegeen warar ay heshay Hadhwanaagnews oo saacadihii ugu dambeeyey ku daba jirtay wararka la xidhiidha bandhig faneedka baaqday ee BK ayaa sheegaya in qadiyadaha iska soo horjeeda ee somaliland iyo soomaaliya ay sababeen carqaladaha meesha ka saaray bandhigii fanaanka.




Fanaan Maxamed Siciid BK ayuu dib u dhac ku yimid y bandhig faneed uu qorsheeyey inuu ku qabto magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyada oo habeenkii xalay uu markii labaad baaqday bandhiga loo balansanaa.


Wararka ayaa xaqiijiyey in qadiyadaha iska soo horjeeda ee ay kala aaminsan yihiin shacabka labada wadan ee somaliand iyo soomaaliya uu qayb weyn ka qaatay dib u dhaca ku yimid bandhigii fanaanka BK, iyada oo dadka reer somaliland ee ku sugan wadanka Kenya ay dedaal dheer ugu jireen sidii uu bandhigi u qabsoomi lahaa halka kuwa soomaaliyana ay ku hawlanaayeen fashilintiisa.


shacabka somaliland ee ku sugan wadanka Kenya ayaa fanaanka BK u arkaya mid ku adag mabda'iisa somaliland-nimada, halka kuwa soomaaliya ay ku eedaynayaan inuu yahay cunsuri neceb soomaalida kale ee aan u dhalan somaliland, balse Fanaanka BK ayaa isagu markasta ku dooda inuu u heeso guud ahaan dadka soomaalida ah balse uu yahay fanaan u dhashay somaliland.


Sidoo kale wararka ayaa xaqiijiyey in falal ka soo horjeeda amaanka loo baajiyey bandhig faneedkii BK ka dib markii ay ciidamada amaanka ee Kenya baadhis ay ku sameeyaan hudheelka lagu qabanayey bandhiga ay ku ogaadeen inay jirto cabsi laga qabo falal ka soo horjeeda amaanka oo dhici kara.


Sidoo kale wararka ayaa sheegay in tigidhadii lagu galayey bandhig faneedku ay si xawli ah suuqa u galeen iyada oo qaarkood la sheegay in dib loo daabacday arintaas oo keentay cabsi laga qabo in tigidhadu ay gacanta u galeen kooxo rabshado ka sameeya goobta bandhigu ka dhacayo.


Taageerayaal gaadhaya 2,470 oo goostay tigidhadii lagu galayey bandhig faneedka ayuu fanaanka Maxamed Siciid BK waxa uu ku wargeliyey in goobihii ay ka goosteen ay dib uga qaataan lacagtooda ilaa inta ay war dambe ka helayaan.

Loading...
Loading...