Gacan-Libaax Raad Gadasho Noqon Mayso Q.2aad ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday June 16, 2024 - 09:07:51 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gacan-Libaax Raad Gadasho Noqon Mayso Q.2aad ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Beesha Garxajis Xukunka ka Ilaali, Baa Dalkii Dumisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Beesha Garxajis Xukunka ka Ilaali, Baa Dalkii Dumisay

Waxa aynu soo akhrinay qaybtii1aad, ee bal ku soo dhawaw qaybtii 2aad iyo wacdaraha ku qeexan.
Hada waxa jiray laba ciidan beleed ay kala leeyihiin qayaad & Ba-hararsame
Ciidankii qayaad waxa laga soo qaaday deegaankoodii waxana la soo dejiyey adhi-Cadeeye, degamadii qayaadna waxa la geeyay laba guuto ciidanka qaranka ah. Ciidankii Ba-hararsame lagama soo rarin deegaankoodii,


Ka dib ciidankii qayaad ee adhi cadeeye deganaa wuxuu ogaaday dhaqdhaqaqa ciidan ee Ba-hararsame ay wado, waxanu warkii soo gadhsiiyey taliyaha aaga barri ee ciidnka s/land , nasiib daro markii ay diyaar garobeen ciidankii Ba-hararsame dawladu waxay soo qaaday labadii guuto ee ciidanka qaranka ee deganaa deegaanda qayaad,

Maalintii ku xigtay-na ciidankii Ba-hararsame wuxuu weerar ku qaday magaalada dhumay halkaas oo lagu laayey dad badan oo qayaad ah, taasi waxay keentay qayaad inay ka goosto ciidanka qranka, s/land-na la colowdo jabkii labad wakaas.


Jabka sadexaad waxa weeye isna, soo dhex-galkii beelaha darood iyo maamulada darood ay soo kala dhex galeen dagalkii qayaad & Ba-hararsame.

Waxa yimi Isimadii darood ee putland, Isimadi Jubaland, Isimadii dawlad deegaanka Somalida Ethiopia, waxana meesha ka baxay ciidankii qaranka S/land & maamulkii S/land. Xabad joojin ka dib, dad shicib ah oo taageersan Xusbiga Waddani oo maalin kasta la laynaayo baa keenay, in ay Reer Sool go'aan ka gaadhaan dilka farsamaysan ee maamulka Hargeysa kula kacayo.


Qodobka ugu wayn ee keenay Laas-canood in laga xoreeyo S/land wakaas. Hadaba akhristaw 25/Aug/2019, waxa hadlay mijo-baasto ( nuux taani), waxanu meesha ka saray ciidnkii sanaag barri ee Warsan-Geli, taasina waa qodobka sadexaad. Waxa ku xigay ciidnkii Cabdi Madoobe tababarka uga furay inta u dhaxaysa widhwidh ilaa buuhoodle,

Ciidan-kaas oo maamulka askarigu ogaa wax ay ka qabatay-na aanay jirin.Dhacdooyinku way badan yihiin oo laguma soo koobi karo maqaal iyo laba.

La Soco Qaybta 3aad.

* N.B Beesha Garxajis Xukunka ka Ilaali, Baa Dalkii Dumisay

* * Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...