Gacan Libaax Raad Gadasho Noqon Mayso ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday June 15, 2024 - 16:02:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gacan Libaax Raad Gadasho Noqon Mayso ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Ninka dagaalka Sokeeye Yaqaan,Ka Shisheeye Wax-ba Kama Taro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Ninka dagaalka Sokeeye Yaqaan,Ka Shisheeye Wax-ba Kama Taro.

No description available.


Muwaadin ninka dagaalka sokeeyaha yaqanaa dagaalka shisheeyaha waxba kama taro, arin-kaasna waxad fahmi doontaa, haddii aad akhrisato taariikhahan hoos ku yaal, waana kuwan ee hoo.

1. 22/oct/ 2017 heshiiskii caynaba ee s/land & khatumo m/wayne siilanyo & cali khaliif muuse biixi oo gudomiyaha xisbiga kulmiye ah musharaxa xisbiga kulmiyena ah uu wax ka saxeexay fulinta heshiiskaana laga doonayey sadexda xisbi ee dorashada u tartamaaya xisbiga ku guulayata.

Muuse wuu ka baxay heshiiskaa markii uu ku guulaystay tartankii ee uu noqday madaxwaynaha s/ l
Waa qodobka kobaad ee keenay guuldarada sool.

2. 26/ oct/ 2018 wuxuu dagaal ku dhexmaray magalada dhumay qayaad & ba harar same dagaalka waxa lagu laayey beesha qayaad , shirqoolka qayaad lagu laayey waxa dhigtay dawlada s/land.

Ugu horayn waxa muhiim ah in aan wax kaga sheego siday kala ahayd tageerada qabaa'ilka dhulbahante

1. Jama siyada s/land
2. Qayaad s/land
3. Barkad s/land

Sadexdaa qabiil ee dhulbhante ayaa lagu joogay laascanood. Wakii ku calacalaayey cali khaliif laba waran ayaa igu taagan mid isha igaga taagan oo s/land ah & mid badhida igaga taagan oo qayaad ah.
Dagaalka qayaad iyo Ba-hararsame wuxuu ka bilowday sarkaal qayaad ah oo haystay ciidan qayaad ah oo s/land ah ayey dileen Ba-hararsame
Sidaa ayey ciidanka qaranka ee kalena ku tageen degaanada koonfurta laascanood ee dhumay dharkayn geenyo saaxdheer, kala baydh tagistaa ciidanku waxay meesha ka saartay ciidankii khatumo iyo maamulkii khatumo taas oo aakhirkii keentay cali khaliif inuu ku qasbanado in uu la heshiiyo s/land.

* N.B Ninka dagaalka Sokeeye Yaqaan,Ka Shisheeye Wax-ba Kama Taro.

* La Soco Qaybta 2aad.

Qore:-Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...