Col Iyo Nabad Waan Naqaane,Calaayaqas Doonimayno.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.
Ceebteeba ka culays badnan tan,
Cashuuraha dadkan ruuxa cunay,
Caabuq bay kugu noqon kartaa,
Cunahaagan wixii maraayay,
Cadaab baana kaa danbaysa,
Ciilkaanbi weligaa ma weydid,
Cadaalad xumidaana keenta,
Intaas cashar guud u qaatuun.
Canaana haddaan wax taabtoon.
Cunufiyo dagaalba caadaysateen,
Camalkaad fashaan caadilba arke,
Cadaadba jirton cidi dhaafahayn,
Colaad joojiyo cabsadoo ka baqa
Caro nabadahba cuud lagu dhaqa,
caano laga dhama caruuru koran,
Cibaadada alliyo cilmi lagu bartaa,
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





