Casuumad Siyaasadeedo,Xoolaha Caydha Lagu Cunaayo.Cadaaba Lagu Mudanayaa..

0
Saturday June 15, 2024 - 12:35:40 in Articles by
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Casuumad Siyaasadeedo,Xoolaha Caydha Lagu Cunaayo.Cadaaba Lagu Mudanayaa..

    Caloola Markaad Buuxsatan,Ciyaarta Laydiin Mashxarado,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caloola Markaad Buuxsatan,Ciyaarta Laydiin Mashxarado,



Cuud Badan Inagon Lahayn,Cashuurta Caana Diiqdu Bixiso,

 

Casuumad Kumaydaan Cunteen,Haddaad Caqli Leedahiinoo,


 

 

Ceeb Baydaan Ka Cabsoonahayn,Ciidanka Qaranka Mudnaayo,

 

Cadaawaha Ku Horjooglaayo,Caruurtoodu Cashayn Lahayd,



 

 

Caloola Markaad Buuxsatan,Ciyaarta Laydiin Mashxarado,

 

Caways Dawlad Laguma Keene,Cilmigaa Lagu Meel Maraayo,


 

 

Cirteeda Bogatada Haweene,Casarka Seexataa U Daran,

 

Calooshod La Ciyaar Ragana,Ciil Aan Weligood Ka Korin.


 

 

Wixiiba Hadaad Cunataan,Casuumad Ku Dhamaysataan,

 

Caynkana Wax U Boobaysaane,Caruurta Maxa U Hadhi,


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...