Garaadka Dhulbahante Oo Walaac Ka Muujiyey In Somalilland Weerarto Laascaanood

0
Saturday June 15, 2024 - 07:58:03 in News by Abdi Good
  • Visits: 2149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garaadka Dhulbahante Oo Walaac Ka Muujiyey In Somalilland Weerarto Laascaanood

    Garaadka Dhulbahante Oo Walaac Ka Muujiyey In Somalilland Weerarto Laascaanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garaadka Dhulbahante Oo Walaac Ka Muujiyey In Somalilland Weerarto Laascaanood
Garaadka Guud ee SSC Khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa Somaliland uga digay in ay dagaal ku qaado Laascaanood.

Garaadka oo kasoo laabtay socdaal uu ku marayay qaybo kamid ah gobolada Sool iyo Sanaag, ayaa sheegay in dhankooda anay cidkale duulaan ku ahayn.


"Inagu geed kale iyo guri kale duulaan kuma nihin, danina nooguma jirto, lakiinse danteena in aynu ilaashano Ilahay waa inoo baneeyay waynanu awoodnaa, walaalaheena waxaanu leenahay duulaan idinkuma nihin, idina is celiya" ayuu yidhi Garaad Jaamac.

Waxa uu sheegay in Laascaanood uu isagu iska leeyahay, isla markaana aanu cidkale ka qayb galinayn, isaga oo sheegay in uu maqlayo dad leh Laascaanoood ayaanu ku soconaa oo naga maqan.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ayaa ku sugan meelo aan kala fogayn oo gobolka Sool ah, iyada oo labada dhinacba ay warbaahinta isku marinayaan hadalo muujinaya colaad.

Taliyaha Millatariga Somaliland ayaa dhawaan sheegay in ay dib u qabsan doonaan Laascaanood, waxa kale oo jira saraakiil ka tirsan SSC Khaatumo oo ku hanjabay in ay Ceerigaabo ku duuli doonaan.




Loading...
Loading...