Cidii Doontaa Ha Sii Daysee Horta Neefafkii Ma Iib Galeen...W/Q Cabdifataax Axmed Ileeye

0
Sunday July 14, 2019 - 21:06:02 in Articles by
  • Visits: 1529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cidii Doontaa Ha Sii Daysee Horta Neefafkii Ma Iib Galeen...W/Q Cabdifataax Axmed Ileeye

    Cidii Doontaa Ha Sii Daysee Horta Neefafkii Ma Iib Galeen...W/Q Cabdifataax Axmed Ileeye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cidii Doontaa Ha Sii Daysee Horta Neefafkii Ma Iib Galeen...W/Q Cabdifataax Axmed Ileeye


Yuhuuddina Markabka xoolaha sidday ha sii deyso e, horta neefafkii ma iib-galeen uun;


— Kuwa leh Jahliyadda reer Somaliland ee Jedda ayaa sii deysay, mid baan leeyahay: Jahliyaddi haddii ay xoolo loo haysto warqad haayad dawladeed ku xidhan sii deyn karto, maxaa ay innagaga adkaynayeen may marka horeba xoolaha xayirran innaga fasaxaan intii oo ay la hadlaan Saudi Arabia? Wax walba yeynaan aaminin uun;

Image may contain: Abdifatah A. Ileeye, closeup


— Mid run kama raysato ahi waxa weeye, Somaliland dhaqaalaheedu ma qaaddi karo in habbeen iyo maalin la curyaamiyo. Xukuumadda Somaliland waa in ay arrinta fahanto, xal rasmi ahna u hesho! Dhaqaalahan aan ka deyno siyaasaddayntan ma-dhalayska ah. Neefka xoolaha ah iyo mashaariicda la midka ah waa in lagu meel-marriyo waddo kasta oo suurtagal ah. Caqligu ma sheegayo in Neefka xoolaha ah iibkiisa iyo masiirka dadka reer Somaliland uu isku xidhan yahay!


— Somalia waa in ay la timaaddaa caqli aan ahayn jiq-ku-sii si walaalnimada labbada bulsho aan loo dhaawicin. Somalilandna waa in ay la timaaddo maskax-furnaan aan idha-caddays ahayn si xoolahaasi ay u iibsamaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...